Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hagaanka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya oo ka Walwalsan Isbedelka ku imanaya Madaxtinimada FIFA.

Ka dib markii uu is casiley Madaxweyinhi Xiriirka Kubada Cagta Aduunka Sepp Blatter ayaa Xiriirrada Aduunka waxaa soo Wajahay Cabsi iyo WelweL ku aadan iney sii hasytaan Xilalkooda waayo Musuqa hareeyey Hay’adda FIFA waxaa uu Raadkiisu galayaa Dhammaan Madaxda Xiiriirada mudada dheer haystey Wadamada ay Matalayaan oo dadka intaada badani ay qabaan in ay qayb ka ahaayeen Musuqmaasuqa lagu eedeyey Xiriirka FIFA oo dhowr Sarkaal u xirran tahay ..
Xiriirada haatan jira oo qaarkood waxaa sameeeyey ninka Fadeexoobey Sepp Blatter, waxaana Tusaale u ah Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliya waxaa uu Blatter aqoonsadey Bishii Maarso 2007 waxa uuna markaas ka soo horjeedey Xubnhii ku soo baxay Shiweynhii Magaalada Baydhabo ee dhacay 16-kii Bishii May 2006-dii oo uu madaxda ka ahaa Muxyadiin Darba Weyne, taasina waxay keentey in Xiriirka uu u gacan galo Xubnaha haatan hor boodaya Xiriika Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Warar aan helayo ayaa waxay sheegayaa in Kulamo Goon gooni ah iyo Teloofoono ay isla dhex marayeen Maalmhii la soo dhaafay Madaxda Xiriirada Kubada Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika CECAFA, wararka ayaa seegayaa in si hoose Madaxdaasi ay ku heshiiyeen in si Wadair ah looga hortago Cid Alaale Cidii soo faragelisa arimahooda ee ka socda FIFA.
Wararka ayaa intaa ku darayaa in Cid walba oo loo arka in ay lidi ku yihiin Qorshahooda Musuq-Maasuq Codka loo diido si ay u Guuldareysataan maadaama Xiirirada Kubada Cagta ee CACAFA ay aad ugu dhawaayeen Madaxweynhii iscasiley ee Blater, waxaana Walaaca uga darani hada soo wajahayaa Hogaanka sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo la og yahay sidii lagu doortey .
Madaxda Xiirrada CECEFA ayaa waxay Cabsi ka qabaan in hadii la doorto Madaxweyne Cusub oo FIFA yeelato uu imaanayo la xisaabtan dhab ah taasoo keeni karta in Xididada loo siibo oo uu yimaado dhiig cusub oo hagaamiya dhamaan Xiriirada kubabada cagta ee bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply