Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa saakay xiran dhammaanba waddooyinka soo gala iyo kuwa ku dhow xarunta Golaha Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho, iyadoo xarunta golahaasi ay ku sii qulqulayaan Xildhibaanada.
Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay darteed ayaa waxaa maanta la rajeynayaa in Goluhu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mooshinka meel marintiisa lafta dhuunta gashay ku noqday.
Golaha Baarlamaanka oo saakay ay soo xaadireen 142-Xildhibaan, iyadoo Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar uu sheegay in 132-xildhibaan ay u codeeyeen inuusan sharci ahayn Baarlamaanka Jubaland isla markaana shirka uu xiran yahay.
Mooshinkaan oo dib u dhacay dhowr jeer oo hore, ayaa waxaa la filayaa inay jawaab ka bixiyaan maamulka Jubaland oo horay u sheegay inay xiriirka u jarayaan haddii cod loo qaado mooshinka looga horjeedo.
Figradihiina