Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Odawaa “Qabsashadii Dhuusa Mareeb waa mid lagu hagar-daameynayo dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe

June 8 (ceegaag)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay dagaalladii maanta ka dhacay magaaladda Dhuusa Marreeb ee xaruta gobolka Galgaduud.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii maanta Xoogag taabacsan Ahlusuna kula wareegeen Dhuusa Mareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.
Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusa Mareeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhismaha maamulka gobollada dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan shacabka Gobollada dhexe.
“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga kooxda nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.
Gelinkii hore ee maanta ayaa Ciidamo Taabacsan Ahlusuna oo ka yimid dhinaca Guriceel ay dagaal kula wareegeen Dhuusa Mareeb, iyadoo ciidankii dowladda ay isaga baxeen magaalada, isla markaana gaaray degmada Cadaado.
Xaalada Dhuusa Mareeb ayaa maanta ah mid degan, iyadoo dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dagaalo ka dhacaan, waxaana ciidamada Ahlusuna difaac ka sameysteen duleedyada magaalada, waxaana caawa ay gaadiid dagaal oo cod baahiyeyaal ku rakiban ku gaaf wareegayeen xaafadaha, kuna wargelinayay dadka deegaanka inay is dejiyaan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply