Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Farmaajo: “Dowladda wax badan kama qaban ballanqaadkeedii hore, mana filayo mudada u hartay inay wax qaban karto”

Maxamed C/llaahi Farmaajo Ex Ra’iisal Wasaarihii hore Dowladdii KMG ahayd ayaa isagoo ku sugan dalka Mareykanka waxa uu ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya uu marayo xilligaan.
Ex Ra’iisal Wasaare Farmaajo ahna Guddoomiyaha Xisbiga wadaniga ah ee TAYO ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Federaalka aanu ka dhabeynin ballanqaadyadiisii hore ee uu shacabka ka ballanqaaday.
“Arrimihii nabadgelyada ee uu saddex jeer sheegay Madaxweyne Xasan inuu wax ka qabanayo, ma jirto wax badan oo uu ka qabtay, waayo dhibaatadii amniga weli way taagan tahay” ayuu yiri maxamed c/laahi Farmaajo.
Mar uu ka hadlayay go’aankii dhowaan Golaha Baarlamaanka uu ku ansixiyay inuusan sharci ahayn qaab dhismeedka Baarlamaanka Jubaland ayuu sheegay arrintaasi inay markoodii horeba ka halowday bilowga, waayo buu yiri Waxaa la hareer maray qodob dastuuri ah oo ku saabsan in Baarlamaanka federaalka qeyb laga siiyo dhismaha maamul goboleedyada taasina ma dhicin.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay arrintaasi inay maanta ka taagan tahay dhismaha maamul goboleedyada dalka laga dhisayo, isagoona hoosta ka xariiqay in weli la isku daba taagan yahay oo la isku heysto dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe.
“Ciidamada Dowladda waxaa ka maqan xuquuq fara badan, taasina waxay sii kordhisay in wax laga qabto nabadgelyada dalka” ayuu yiri Ex Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ruug cadaagaan siyaasadeed ee dalka soo maray ayaa lagu xusuustaa mudadii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed inuu gilgilay shucuurta shacabka Soomaaliyeed oo u muujiyay inaysan raalli ka ahayn xil ka qaadistiisa.
Xigasho . BBC
C/naasir yuusuf macalin
Ceegaag muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply