Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Furitaanka shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Cadaado ayaa saakay hakad galay, kaddib markii beesha marti gelineysa shirkaasi amar ku soo rogtay in la hakiyo shirka oo dhowaan la furay wejigiisa labaad.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in hakadka ku yimid shirka uu yimid kaddib markii khilaaf cusub soo kala dhex galay Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Xuseen Odowaa iyo beesha martigelineysa shirkaasi.
Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa ku eedeeyay Wasiir Odowaa in la musuqmaasuqay saamiga ay ku leeyihiin ergada iyo shirka iyo maamulka cusub ee gobolada dhexe loo sameynayo.
Ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo bixin Wasiirka arrimaha gudaha iyo beesha reer Xaaji Saleebaan ee iyagu shirkaasi martigelinaya.
Dhinaca kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xalay magaalada Cadaado lagu daadiyay waraaqo loogu sheegayo ergada aan ka soo jeedin gobolada dhexe ee ku sugan magaalada inaan ammaankooda la damaanad qaadi karin.
Dib u dhaca geedi socodka shirka Cadaado ayaa caqabad hor leh ku noqonaya qorshihii Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo sheegay inuu Madaxweyne Xasan ku amray inuusan ka soo tegin ilaa iyo inta Madaxweyne laga dooranayo.
Figradihiina