Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Muxyadiin Darbaweyne oo Faahfaahin ka Bixiyey Musuqa Hay’adda FIFA iyo Saameynta u ku yeelan Karto Soomaaliya.
Muxudiin Xasan Cali Darbaweyne oo mar soo noqday Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Somaaliyeed Sanadii 2006 dii oo shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay heerka uu gaarsiisan yahay Musuq-maasuqa ka jira Hayada ugu saresa Kubada cagta aduunka ee FIFA iyo Saameynta uu ku yeeshay xiriirka kubada cagta Soomaaliya
Masuulkan ayaa musuq maasuqan waxa uu si cad ugu eedeeyay Madaxweynihii hore FIFA Sepp Blatter oo dhawaan is casilay iyo Maxamed Binu Xamaam oo ah shaqsi la tilmaamay in uu u taagan yahay hogaaminta Hayada Musuq-maasuqa uu hareeyay ee FIFA ahaana Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee dalka Qadar
Darbaweyne ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhibaatada Nidaamdarida ka jirta FIFA ay soo bilaabatay 2004 xiligaas oo Allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee xiriirka Kubada cagta Soomaaliyeed Faarax Wehliye Cadoow Sendiko ay Sepp Blatter iyo Maxamed Binu Xamaam uu si cad ugu sheegey Musuqa iyo Laaluushka ka jira FIFA taaoo keentey in Sendiko ay ku xukumaan 10 Sanno oo Ganaax ah
Dhanka kale Muxyadiin xXsan Cali Darbaweyne ayaa waxa uu sheegay in labadan shaqsi ay sameeyeen sharci been abuur ah oo tilmaamaya in dalka qaata sharcigaasi uusan Wasiir la Xisaabtami Karin Xiriirka Kubada Cagta gaar ahaan Wasiirkooda isboortiga waana mida maanta keeney Dhaqaalaha iyo Tartamada Cayaaraha lagala dhuunta
Muxyadiin Darbaweyne waxaa uu sheegey in ka tagista FIFA Sepp Blatter ay saameyn weyn ku yeelan doonto Shaqsiyaadka maanta hor boodaya Kubadda Cagta Soomaaliya kuwaas oo uu ku tilmaamey in ay qayb ka yihiin Musuqa iyo laaluusjhka ka jira FIFA gaar ahaan Kubadda cagta Soomaaliya isagoo farta ku fiiqey in Hantidii loogu tala galey in lagu hormariyo Kubada Cagta Wadanka gaar ahaan Cayaartooyda iyo Garsoorayaasha la Lunsado
“Soomaalida Waxy Tiraahdaa Qori iyo Qaaciisa waa la isla Tuuraa, marka aan sidaa leeyahay hadii Blatter lagu eedeeyey Musuq iyo Laaluush, waa in Ukumihiisa uu dhigtey Qaarada Afrka meesha ay ka baxaan gaar ahaan Soomaaliya , haddii aan sidaa la yeelin waxaan hubaa in uu sii socon doono Musuqa iyo Laalushka FIFA “ ayuu yiri Muxyadiin Xasan Cali Darba-Weyne oo ah shaqsi muddo Dheer ku soo dhex jirey Kubadda Cagta Somaaliya
Ugu dambeen masuulkani ayaa sharcidaro ku tilmaamay qaabka loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyay xiligii uu Maamulayey Xiriirka Kubada Cagta Soomaalya waxaa uu sheegay in isagoo shaqo wadanka dibadiisa ugu maqan la Afgambiyey waxa uuna dhacdaasina ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Sepp Blatter iyo Maxamed Binu Xamaam oo u dhashey Wadanka Qadar
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Figradihiina