Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
june19/06/2015( ceegaag)-Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in Bankiga dhexe ee dalkaasi uu qaado xayiraadii saarneyd Xawaaladaha Soomaalida ee iyagu lacagaha u soo diri jiray Soomaaliya kuwaasi oo horey shaqadoodi looga joojiyay markii lagu eedeyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa bishii April waxay xayiraad saartay xawaaladahaasi oo ay ku sheegtay olaleeheda ka dhanka ah taagerayaasha Al-Shabaab wixii ka dambeeyay weerarkii ay ku qaadeen jamaacada Garisa ee gobolka waqooyi Bari Kenya oo ay ku dileen 148-qof.
Uhuru Kenyatta oo amarkaan soo saaray bishaan Ramadan ayaa u jeediyay Bankiga dhexe ee dalkaasi in uu qaado xayiraada,balse lama oga xiliga iyo waqtiga uu ku eg yahay, Hay’adaha gargaarka ayaa iyagu dhaleeceeyeen Kenya waxana xayiraadii Xawalaadaha ku tilmaamen mid dhibaato ku ah nolasha Soomaali badan.
Dhanka kale Madaweynaha Kenya ayaa u sheegay laamaha ammaanka Kenya inay amaanka xoojiyaan baqdin laga qabo weeraro Al-Shabab ay wadankasi ka geystaan.
Figradihiina