Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxa maalinkii 18-June-2015 kafurmay xarunta degmada waaberi tartan isboorti oo looga gol lahaa isdhex galka ciidanka booliska iyo bulshada degan degmada waaberi. Waxaa tartanka kaqeybgalay afar koox o kakala socotay dhalinyarada isbortiga degmada iyo laba kasocotay booliskaa degmada waberi, waxaa furitaankii xafladda kaqeyb galay gudoomiyaha degmada waaberi XAAWO KIIN MXAMED CALI iyo taliyaha saldhiga ciidanka booliska degmada ISMACIL IBRAHIN, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa gudoomiye kuxigeenka degmada dhanka arimaha bulshada MAXAMED CABDI CUBEYD iyo gudomiye kuxigeenka gudiga isbortiga degmada.
Waxaa isla maalinki furitaankaba wada ciyaaray laba 2 koox oo kala ahaa BARWAQO o kasocotay ciidanka booliska iyo AL AHLI o kasocotay bulshada, ayado ciyaartu aad u adkeyd waxaa guushu 2gool guusha ku raacdayama ku adkaatay kooxda AL AHLI ayadoo isla maalinka labaad e tartanka ay wada ciyaareen labada koox ee BUUTO-SHOP IYO HORSED oo kooxda horseed ay kasocotay ciidanka booliska degmada ayadoo 1:0 ay guusha kuraacday kooxda buuto-shop o ayagu taageero aad ah kulahaa garoonka. Waxa maalinki sedexaad e finalka fooda isdaray kooxda al ahli iyo buuto-shop ayadoo kooxdi kasocotay bulshada degmada ay ku adkatay 3:1 halkasoo ay kula hadleen gudomiyaha degmada iyo taliyaha ciidanka booliska.
Taliyaha ciidanka booliska oo hadalka ku horeeyey ayaa yiri “Waa marki noogu horeysay an aragnanay tartan isboorti oo ciidanka booliska kaqeyb qaadanayo o degmada kadhacay, wana rajeynaya in uu noqdo mid isdhex gal ka abuuro bulshada iyo ciidanka booliska degmada”.
Waxa sidoo kale hadalka soo geba gebeeysay gudoomiyaha degmada xawo kiin waxaana hadalkeedi kamid ahaa “ Waxan marar badan sameyn doonnaa kulamada sidan oo kale ah oo bulshada qiimo weyn ugu fadhiyo degmada madama ay noo abureyso horumar dhanka bulshada ah dhalinyaradana waxan leeyahay waxaan idin rajeynayaa inaad abuurtaan isdhexgal ballaaran oo dhanka ciidanka booliska degmada ah”. Waxaa halkaasi gudoomiyaha degmada iyo taliyihi ciidanka ayagoo wada jiro ay koobki gudonsiiyeen kooxdii tartanka kuguleysatay o kabtankeedi kor u qaaday koobkii.
Figradihiina