Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Juun 30, 2015 (Ceegaag) — Ciidamada ka socda Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM ayaa la Wareegay Saldhiggii Ciidamada Burundi lagu Weeraray Jimcihii lasoo dhaafay ee Deegaanka Leego, Halkaasoo lagu dilay in ka badan 50 ka mid ah Askarta ka socda Dalka Burundi ee ka tirsan AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya markii ay tagayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose aysan joogin inta badan shacabkii ku Noolaa, kuwaasoo barakacay markii Al-shabaab ay weerartay xeradaas.
Goobjoogayaal fara-ku-tiris ah oo weli ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay saldhiggii lagu weeraray ciidamada Burundi soo galeen ciidammo aad u fara badan oo ka socda dalka Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ee la wareegay saldhigga ay AMISOM ku leedahay deegaanka Leego ayaa Waxay kusoo beegmaysaa Xilli shalay ay mar kale Ciidamadii dalka Burundi oo dib ugu laabtay xerada ay isaga baxeen, taasoo lagu sheegay inay tahay xeelad dagaal. Is-bedelka ciidamada Burundi iyo kuwa Itoobiya ee kawada tirsan AMISOM ayaan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa, balse deegaanka uu weerarku ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay ka mid tahay goobaha horay loogu calaamadeeyay inay ka howlgaan ciidamada Itoobiya. Al-shabaab oo lahayd mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay inay ku dishay in ka badan 60-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, ayna gacanta ku hayaan, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan askar nool iyo kuwo dhaawac ah.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Ciidamada Dalka Burundi oo isaguna warbaahinta kula hadlay magaalada Bujumbura in ciidamadooda ku sugan Somalia looga dilay weerarkii ka dhacay Jimcihii in ka badan konton askari. Si kastaba ha ahaatee, Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin isbedelka ciidamada kawada tirsan AMISOM ee Dalalka Itoobiya iyo Burundi, iyadoo la Xusuusto in Xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ay toddobaadkii hore ku dagaallameen Jameecada oo ka tirsan Gobolka Bay, kuna dhow deegaanka leego.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina