Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/XAKIIN FIQI: Haddii aan Al-shabaab lagu sii wadin cadaadiska dib ayay isku soo Abaabuli Kartaa

04, 2015 (Ceegaag) — Wasiirkii hore ee difaaca Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in deegaannada ay ka baxayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay sababi karaan inay Al-shabaab dib isku soo abaabusho.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay dhawaan ka baxeen xeryo ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo AMISOM ay beenisay inay goob ay ka talinayeen ay ka baxeen.

“Waxaad moodmaa in baryahan ay Al-shabaab ay helayaan fursado aanay horay u haysan, kuwaasoo ay dib isugu soo abaabuli karto. Waana khatar weyn inay dib u weeraraan goobaha ay ciidamadu ka baxayaan,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Mudane Fiqi oo la hadlayay VOA-da ayaa intaas ku daray in haddii ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaliya ay ka baxaan meelaha ay gacanta ku hayaan ay khatar weyn ku tahay shacabka deegaannadaas ku nool.

Sidoo kale, C/xakiin Fiqi ayaa hadalkiisa ku daray in sababta keeni karta inay dib isugu soo abaabusho Al-shabaab ay sabab u tahay inaysan kooxdu la kulmayn wax cadaadi ah oo kaga imaanaya dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika.

“Haddii aan Al-shabaab cadaadisyadii horay loo saaray lagu sii wadin, sidoo kalena aan lagu weerarin goobaha ay ku sugan yihiin, waxaan shaki ku jirin in Al-shabaab ay ciidamada isbahaysanaya ugu tagayso fadhiyadooda iyo saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka,” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiir fiqi ayaa hadalkiisu wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan ay Al-shabaab weerartay saldhig ay ciidanka AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo lagu dilay in ka badan 60-askari oo kasoo jeeda dalka Burundi.
Ceegaag -muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply