Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliya kuna xeel dheer arrimaha siyaasadda dalka isla markaana dhowaan ka soo laabtay gudaha dalka, ayaa isagoo haatan ku sugan magaalada Minneapolis ee wadanka Mareykanka waxa uu ka digay dagaal dhiig badan uu ku daato oo ka dhaca dalka.
Aqoonyahankaan ayaa sheegay inuu xaaladda uga sii darayo guddiga xuduudaha ee uu ansixiyay Golaha Baarlamaanka, waayo buu yiri waxaa la ansixinayaa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
“Guddiga xuduudaha waa kan baabi’inaya maamul goboleedyada hadda jira, waayo waxaa la ansixiyay goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen” ayuu yiri Prof. Samatar oo sheegay in Soomaalida degan gobolada dalka aanay raalli ka ahayn xuduudo loo kala sameeyo dhulka ay degan yihiin.
Wuxuu sheegay Barfasoorka in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan qaranimada Soomaaliya in dib loo soo celiyo, isla markaana wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara arrintaan.
“Soomaaliya waxaa ka dhici doona dagaal culus hadaan laga joojin xuduudaha loo sameynayo” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in maamulka cusub ee Galmudug ay doonayaan inay Mudug ka dhigtaan xuduuda, kan Puntland-na arrintaas waa diiday.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in arrimaha ugu yaabka badan ee ka dhashay maamulka Federaaliga ah ay ka mid tahay kaddib markii maamulka K/Galbeed uu calan ka taagay duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu sheegay inay tahay xuduuda ay la wadaan gobolka Banaadir.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina