Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Odawaa “Xukuumadda Ramadaanka kadib waxay bilaabi doontaa howsha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

July 11 (Ceegaag)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Ramadaanka kadib ay bilaabi doonta howsha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Isagoo ka qeyb galayay barnaamij dood ah oo maalintii jimcaha ka baxa Raadiyaha afka dowladda ku hadla ayaa sheegay in socdaan wada hadalada la xiriira howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana qabaa’ilka, dadka talada leh iyo xildhibaanada deegaanka lala hadlayo.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Maamul aan Baarlamaan laheyn dowladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ma ogolo, isagoo xusay in habka maamul u sameyntii Galmudug si la mid ah ay u marayaan kan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
“Xukuumadda waxay bilaabi doontaa haddii alle idmo Ramadaanka kadib shaqada Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, Maamul aan Baarlamaan laheyn Wasaaradeyda iyo dowladda midna ma ogola, 80-maalmood ayay nagu qaadatay tii Galmudug, waxaa rajeyneynaa in aysan ka badan nagu qaadan tan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Odawaa ayaa xusay in sameynta maamulada ay qeyb ka yihiin aragtida sanadka 2016, isagoo xusay in Guddiga doorashooyinka howshiisa tahay lix sano, waxaana rajo uu ka muujiyay in sanadka 2016 ay dalka ka dhacaan doorashooyin.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in aysan Wasaaraddiisa aqbali doonin muranada ku aadan xuduudaha inay gacan ka hadal ka dhashaan, waxaana uu xusay wixii tabasho lagu xalin karo wada hadal, isagoo meesha ka saaray in colaad dib loogu noqdo iyo maamulo is heysto.
“Colaado reero iyo maamulo is heysto marna ma qabo, waqtigeedana lama joogo, waa laga yaamaa in waraaqadoiyo sumado qolo dhibsato, muranada xuduudahana marna ma aqbali doonin in gacan ka hadal ay ka dhashaan, dadka dhahaya hada 1991 ayaa dib loogo noqonayaa, dowladdu marna ma ogolaan doonto”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa dhowaan ku guuleysatay maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo 4-tii bishan doorasho ka dhacday degmada Cadaado Madaxweyne lagu doortay C/kariin Xuseen Guuleed
Ceegaag muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply