Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Alle ayaa mahad leh ina siiyey caqli wanaagsan inagana dhigay dad caqli leh waxna fahma waxkasta oo wanaag ah qofkii sameeya waxaa lagu tiriyaa inuu yahay qof caqli leh cidkasta oo horumar sabab unoqotana waxaa lagu tiriyaa inuu yahay qof caqli wanaagsan leh, cidwalba oo ka shaqeysa wanaaga, horumarka,tacliinta, dibudhiska,iyo dibuheshiisiinta, waxaa lagu tiriyaa sidookale dadka usaaxiibka ah caqli wanaagsan.
Hadaba umadkasta ee dunida kunool waxay leedahay taariikh dheer ee lagu xusuusto sooyaalka taxanaha ah taasoo la xiriirta saanqaadka mujtamaca iyo waayaha ee hadba dhinac u gebi dhacleysa lagumana muransana in dhacdooyinka taariikheed ee nolosha bulsha kasta soomartay ay xanbaarsan yihiin maalmo farxad iyo reynreyn leh sida halganka guusha xoriyada oo baaldahab ah kaga qoran dastuurka qaranka umaddaas.
Sidookale ay xambaarsanyihiin maalmo murugo uurku taallo dhacarsaday ee looxa madoow ku qalin duugan laguna xusuusto gocasho tiiraanyoleh.
Hadaba qormadeena kusaabsan caqliga wanaagsan waa mid wax dhisa ee ma ahan mid wax dumiya waxaan uga hadleynaa shaqsiga leh tilmaamaha caqligaasi wanaagsan.
Soojireenka taariikhda waxay ina bareysaa shaqsiga taariikhda fiican leh ee shacabka ka mudan xurmo iyo darajo, iyo daneystayaasha ka gaabiyey halganka horumarinta nolosha bulshada iyadoo biira qaatayaasha qoorta loo suro silsilad madoow iyo sumad fool xun.
Qarankastoo dacal dunida kamid ah wax ka degan waxaa ka soo dhex baxa dad karti iyo aqoon iyo halabuur sare leh oo hormuud unoqda horseedka talaabooyin horumar lagu hanto sida dadaalka ku wajahan baraarujinta tacliinta kaalmeynta saboolka curinta iyo balaarinta aragti faaiido cilmi leh taasoo lagu baadigoobayo horumarka nolosha jiritaanka aadamiga.
horumarinta arimaha bulshada kasokow waxaa bulshada kasoo dhexbaxa oo hanaqaada geesiyaal naftooda iyo maalkooda uhura horumarinta dalka,dadka iyo xoriyada umada, si ay shacabkooda ugu horseedaan horumar barwaaqo,ilbaxnimo nabad iyo is afgarad ku saleysan dibuheshiisiin iyo walaalnimo taasoo caqliga saliimka ah soo dhaweynayo.
W/Q. C/naasir Yuusuf Macalin (Ganeey)
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Somalia
Figradihiina