Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kooxo Hubaysan oo dilay xoghayihii degmada kaxda ee Gobolka Banaadir

July-12-(Ceegaag) Waxaa goordhow la dilay mas’uul ka tirsan Degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dilka mas’uulkaasi uu ka dhacay Degmada Dharkaynlay gaar ahaan agagaarka Ajabka Degmadaasi.
Mas’uulka la dilay ayaa ahaa Xoghayihii Degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa lala dilay mid ka mid ah iaaladiisa oo isaga la socday.
Raga dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku hor gooyeen gaarigii uu watay Xoghaya Degmada Kaxda kadibna ay rasaas xooggan ku fureen, waxaana goobtaasi ku geeriyooday xoghayaha iyo ninkii ilaalada u ahaa.
Kooxaha falka dilkaasi gaystay ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waxaana halka uu dilku ka dhacay durba gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Dharkeenley kuwaa oo halkaasi ka qaaday Meydka Xoghaya iyo Ilaaladiisa.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin dilka Mas’uulkaasi, mana jirto weli cid sheegatay dilka .

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply