Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

In ka badan 10-ruux oo rayid ah ku geeriyootay duqeymo diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen Gedo

July 12 (Ceegaag)— Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeymo maanta ay ka geysteen duleedka degmada Beled-xaawo waxay ku dileen in ka badan 10-ruux oo ahaa dad reer miyi ah.
Sida ay sheegayaan wararka duqeymahan ayaa lala beegsaday deegaano ay degenaayeen dad reer miyi ah iyo xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Laan-Qurac.
Nabadoon Idiris Aadan Nuur ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dad rayid ah oo reer miyi ahaa.
Dadka ku dhintay duqeymaha ayaa waxaa ku jiray caruur dugsiley aheyd iyo haween, sida uu xaqiijiyay nabadoonka
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay doonayeen inay bartilmaameedsadaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo ay dad rayid ah iyo xoolo ku dhinteen ka geysteen Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoo saraakiisha Militeriga Kenya ay sheegaan inay beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Intabadan diyaaradahan markasta oo ay duqeyn ka geystaan dalka soomaaliya ayeysan ka hadlin dowlada federaalka soomaaliya .
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply