Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July-14, 2015 (Ceegaag) — Dowladda Soomaaliya ayaa si Rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caadaaladda ICJ dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, taasoo ku saabsan muranka xuduud-badeedda labada waddan oo muddo sannado ah soo jiitamayay.
Dacwadan ayaa ah tii labaad oo ay dowladdu u gudbiso maxkamadda, iyadoo ay dacwadda u gudbiyeen Maxkamadda Hague xubno uu ka mid ahaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir.
Sidoo kale, Xukuumadda Somalia waxay maxkamadda weydiisatay inay cayinto Soohdinta Badda ee Somalia iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan masaafo dhan 200 oo nautical mayl.
Wafdi Xeer-ilaaliyaha guud Qaranka ayaa waxaa ka mid ahaa danjiraha Somalia u fadhiya Dalalka Benalux & EU-da, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya Qaabilsan dacwadan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Iyadoo Dacwadda lagu Wareejiyay Diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay Rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku Qotomo sharciyad Culus, waxayna Soomaaliya Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ka Sugeysaa Go’aanno Caddaalad ah.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina