Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaaladda Baardheere oo kacsan iyo ciidamada huwanta ah oo kaabiga ku haya

july 19, 2015 (Ceegaag) —Xaaladda magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoo ay gabi ahaanba xiranyihiin adeegyadii bulshada, sida waxbarashadii, goobihii caafimaadka iyo weliba dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay soo gaareen deegaano ku dhow magaalada Baardheere, iyadoo magaalada ay kusoo wajahanyihiin weerarro laba jiho ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aan xiriir la sameeynay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay shalay soo gaareen deegaan lagu magacaabo Eesoow, kaasoo qiyaastii 60KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, isla shalay dayaarado nooca dagaalka ah ayaa duqeeyay saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelcilaan oo qiyaastii 40 KM u jira magaalada Baardheere.

Warar kale oo xog ogaal ah oo aan ka heleeyno Baardheere ayaa sheegaya in magaalada iyo daafaheeda ay ku suganyihiin maleyshiyaad tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana maalmihii u danbeeyay magaalada ka soconayay barakac ballaaran, haba ugu badnaato maanta, waxayna shacabku ka cabsi qabaan in gudaha magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

“Xaaladda saaka aad ayay u kacsantahay, Xarakada Al-shabaab hubkoodii waaweynaa iyo gaadiidkii waa ay kala baxayaan magaalada, jawiga guud ee magaaladana aad buu u kacsanyahay, waxaana xiran isu socodkii bulshada iyo ganacsiga,” sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Baardheere oo u waramay shabakadda Ceegaag Isaga oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Magaalada Baardheere ayaa kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab, iyadoo hadii Al-shabaab lagala wareego magaaladani ay dhabar jab ku noqoneeyso madaama ay dad badani aaminsanyihiin in magaaladan ay Al-shabaab ka abaabuli jireen howgallada ay ka fuliyaan gobollada Jubooyinka, Bay iyo Bakool iyo weliba gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply