Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad lagu taageerayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacday Magalada Stockholm, Sweden

Munaasabad si aad ah looga shaqeeyay oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda jubbaland ee scandinavianka ayaa waxay ka dhacday magaalada caasimada ah ee dalka sweden gaar ahaan hoolka shirarka ee jubba restuarant.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer jubbaland ee ku dhaqan wadamada scandinavianka hadday ahaan lahaayeen aqoonyahano salaadiin siyaasiyiin iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ururada bulshada.

Munaasabada ayaa waxaa lagu furay aayado qur’aanka kariimka ah oo uu aqrinayay sheekh saciid.

Waxaa ugu horeyntii ka hadlay ujeedka shirka soona dhaweeyay martisharafta gudoomiyaha jaaliyadda jubbaland ee scanavianka Nuur Aadan Xasan.

Kadib waxaa qudbo qiimo iyo qiiro leh ka jeediyay oo taabanaysay siyaasadda kuwajahan jubbaland kasoo jeediyay siyaasiga weyn Xildhibaan cabdi cabdulle Jini-boqor sidoo kale waxaa madasha ka hadlay col:mohamed suldaan deeqow macalin sanbul

Col: sheekh cabdullahi

Gen: Jiil

Col: Mohamed Sheekh Daahir

Cabdirisaaq Lagalise oo ka mid ah isimada Puntland

Garaad Mubaarak Heybe oo u hadlayay Khaatumo State Of Somalia.

Siyaasi: Cabdiqaadir Sheikh Mohamed (Cagmadhige) oo isna kasoo jeeda goboladda jubooyinka isagoo sheegay inay muhim tahay inay helaan goboladda jubooyinka maamul ay u dhan yihiin dhamaan dadka goboladaas kasoo jeeda kuna saleysan cadaalad iyo diimuqraadiyad.

Dhinaca dumarka ayaa waxa hadlay

Marwo: Duniyo Gaabo

Iyo hoboladda caanka ah ee Xabiibo Wanaag.

Waxaa barnaamijka daadihinayay qoraaga iyo abwaanka weyn ee somaliyeed Mohamed-Deeq Abdi Madar Haldhaa

Intaas waa marti sharafkii meesha ka hadashay oo ka wada mideysnaa in Jubbaland State Of Somalia loo dhiso maamul loo dhan yahay iyagoona cadeeyay taageerada hiilka iyo hooga ah ee ay u hayaan Dowladda Soomaaliyeed isla markaana ka codsaday dowladda soomaaliyeed inay fududeyso kaalinta looga baahan yahay ee kaga aadan maamul u sameynta goboladaas.

Waxaa xafladda soo gunaanaday Naasir Jammaame oo ahaa isku dubaridaha xafladda.

Freelance journalist: Khalid Abshir Stockholm Sweden

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag