Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 21 (Ceegaag)— Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD ay maanta ku wajahan yihiin degmadaas.
Sida ay sheegayaan wararka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira sidii ay u wada hadal siin lahaayeen Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna iyo Maamulka cusub ee Galmudug ee dhowaan lagu doortay Cadaado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu tago Dhuusa Mareeb, si uu qeyb uga noqdo wada hadalada lagu xalinayo xiisadaha ka jira Gobolka iyo is mari waaga xaga maamulka ee ka jira deegaanada Gobollada Dhexe.
Wada hadalada ka bilaabanaya Dhuusa Mareeb ayaa waxaa la filayaa in lagu soo qaado heshiiyadii kol hore ay gaareen dowladda Federaalka iyo Maamulka Ahlusuna, kaasoo markii dambe bur bur ku yimid
Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca oo dhowaan si iskood ah Madaxweyne ugu doortay Dhuusa Mareeb ayaa horay u qaadacay shirkii maamul u sameyntii ee Cadaado lagu soo gaba gabeeyay.
Urur Goboleedka IGAD oo dhowaan soo dhoweysay Maamulka cusub ee Galmudug ayaa dooneysa inay door ka ciyaarto xasiloonida Gobollada Dhexe iyo helida maamul mideysan oo lagu soo dabaalo deegaanada.
Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa la wareegay bishii June magaalada Dhuusa Mareeb oo ah caasimada Maamulka Goboleedka Galmudug, xilligii uu Cadaado ka socday shirkii maamul u sameynta.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina