Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda federaalka fashilantay “Waan ku khasbeynaa haddii ay diidaan”

Wasiirad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrimo badan daaha ka rogtay, iyadoona sheegtay inay jiraan arrimo badan oo ka dhex jira madaxtooyada Villa Soomaaliya, isla markaana hay’adaha Dowladda ka sii jeesteen inay wax ka qabtaan, taasi oo ay iyadu indhaheeda ku aragtay.
Sahra Maxamed Cali Samatar oo ah Wasiiradda Haweenka iyo qoyska Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay halgan dheer u galeyso sidii ay u soo dhicin lahayd xuquuqda dumarka oo Dowladda Federaalka dhexdeeda ay ka jiraan tacadiyo fara badan.
“Haweenka waxaa la saaray wax la yiraahdo “Cross Cutting” oo micnaheedu yahay xariiqda la gooyay, iyadoona sheegtay in arrimahaasi markii ay kuur gashay ayba yihiin wax sheeko ah oo aan jirin.
Wasiiradda oo uu dhalay ninka Soomaaliya ugu darajada sareeya Sareeye Guuto Maxamed Cali Samatar ayaa hoosta ka xariiqday mar ay la hadleysay ururrada haweenka inaysan ka hari doonin ilaa sanadka 2016-ka xuquuqda ay haweenku ku leeyihiin maamulka sare ee hay’adaha Dowladda Federaalka.
“Shalay oo ay u dambeysay guddiyo Baarlamaanka loo sameynayay haweenka waa loo diiday, laakiin markii aan isku duubanay waan guuleysanay” ayay tiri Wasiirada oo khudbad u jeedineysay boqolaal haween ka socday ururrada bulshada bulshada.
Dhinaca kale Wasiirada haweenka Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ayaa daaha ka rogtay inay la fariisanayaan cid kasta oo ku maqan xuquuqda haweenka.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply