Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho lagu dilay & Al-shabaab oo sheegtay

july26, 2015 (Ceegaag) — Xildhibaan, C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa lagu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilkiia ay sheegatay Al-shabaab.
Kooxo hubeysan ayaa dilay Xildhibaanka, kuwaasoo baxsaday, iyadoo xilka loo dhaariyay inta lagu jiro kal-fadhiyan lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii Aabbihiis Xuseen Bantu oo xildhibaan ahaa uu ku geeriyooday Muqdisho.
Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xildhibaanka ay dileen xoogaggooda ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo ku goodiyay inay toogan doonaan xildhibaanno kale oo Baarlamaanka Somalia ka tirsan.
“Waxaa dilka xildhibaankan fuliyay Ciidamadeena ku sugan Muqdisho, waan sii wadaynaa beegsiga xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo dhan, waayo waxay faafiyeen sharciyo aan ahayn kuwa Islaamka,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Al-shabaab.
Dableyda dilka Xildhibaanka Geystay ayaa la sheegay inay wateen gaari markii dilku uu dhacayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, iyadoo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhibaankan.
Sidoo kale, dilka Mudanahan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmahaan ay laamaha amniga markasta sheegayeen in la sugay amniga muqdisho.

 


Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply