Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii hore ee Libiya Gaddafi oo dil lagu xukumay

July 28 (Ceegaag)— Maxkamad ku taal dalka Libiya ayaa dil ku xukuntay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Libiya oo lagu magacaabo Saif Al-Islam Gaddafi iyo sideed xubnood kale.
Saif Al-Islam ayaa Maxkamadda ka maqnaa xilliga uu xukunka dhacayay, waxaase uu uga qeyb qaadanayay muuqaal Video ah.
Waxaa loo heystaa inuu ka mas’uul ahaa dilka dad fara badan xilligii uu socday kacdoonkii Libiya ka bilowday sanadkii 2011.
Sidoo kale waxaa dil lagu xukumay Madaxii hore ee Sirdoonka Libiya Abdallah Al-Senousi iyo Ra’iisul Wasaarihii Al-Baghdadi Al-Mahmudi.
Maxkamadda ayaa ku eedeysay xubnahan dambiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah ku banaan baxayay.
Waxaa uu ka qaadan karaa racfaan, waxaana jira eedeymo horay Maxkamad loogu soo jeediyay oo ku saabsanaa dhinaca xuquuqda aadanaha.
Saif Al-Islam ayaa ku sugan magaalada Zintan, oo ay ku heystaan koox mucaarad ah oo ka mid ahaa dhinacyadii ka qeyb qaadatay ridistii Gaddafi.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply