Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
’
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo isbaheysigiisa ayaa waxaa soo wajahay caqabadii ugu adkeed tan iyo markii ay hoggaanka u qabteen dowladnimada dalka, iyagoo kulamo aan loo kala kicin madaxa iskula jira xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Culeyska soo wajahay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kaaga daliil ah inuu xoog u waayay kulankii madaxda IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa, halkaasi oo khudbad ballaaran uu ugu jeediyay madaxweynaha Mareykanka oo Xasan Sheekh mar ugu tegay aqalka cad.
Arrimaha culeyskooda leh ee soo wajahay Madaxweynaha waxaa ka mid ah: qaabka uu noqonayo qorshihii lagu xalaaleyn lahaa muddo kordhin guud oo xukuumadda federaalka hesho.
Haddiiba la helo wadiiqada loo marayo muddo kororsiga, hadana waxaa lagama maarmaan ah in xukuumadda lagu sameeyo isbedel si shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka looga iibiyo ugu yaraan afar sano kale inay sii shaqeyso xukuumadda cusub.
Intaan la gaarin waxaas oo dhanba Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku wareeray wixii uu beesha caalamka u sheegi lahaa, mar haddii ay maanta been aan daah la saari karin u cadahay, isagoo khudbooyinka uu halkaasi ka jeedinayo iyo qoshaha xukuumadiisuba u muuqato inay qiil ugu sameynayaan howl-gabnimadooda.
Arrimaha ku wareegsan Madaxweyne Xasan oo kooxdiisa muddo dhowr jeer ah iska tuuray Ra’iisal Wasaarihii iyaga u hoggaansami waaya iyagoo Baarlamaanka ku qarqinaya malaayiin lacagihii dalku lahaa ah, ayaa maanta xaaladdu ku cakiran tahay xitaa haddii uu hal daqiiqo gudaheed ku bixiyo wixii uu heli karo inaysan u socaneynin rabitaanka kooxdiisa.
Madaxweynaha oo horay u sheegay in xukuumadiisa aanay mudada kororsan doonin, ayaa hadana noqotay been kale, bacdamaa dhaq dhaqaaqyada ka socda Golaha Shacabka iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda dhexe hoggaaminaya ay ka go’an tahay in muddo kordhin la sameeyo.
Fashilka faraha badan ee qariyay heykalkii dowladnimo ee dalka waxaa maanta loo aaneynayaa xukuumadda Federaalka oo aan la kala soocin, kuwaasi oo dalkii kala qeybiyay isla markaana ku tuntay dastuurka dalka bacdamaa hal gobol iyo bar ay maamul goboleed ka dhigeen, iyadoo dastuurka dalka uu ogol yahay inay maamul sameysan karaan laba gobol iyo wax ka badan.
Ugu dambentii runta biyo kama dhibcaanka ah waxay tahay in haddiiba ay dhacdo muddo kordhin loo sameeyo dowladda federaalka ah dib loo dhiso Baarlamaan cusub si uu u soo doorto Dowlad dalka gaarsiin karta doorasho xor ah oo dadweyne.
AFEEF: Maadaama maqaalkan uu yahay mid xasaasi ah oo taabanaya hoggaanka Dowladda Federaalka kama tarjumayo aragtida Websitka, wuxuu gaar u yahay qoraha.
Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Figradihiina