Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

July 29 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa maanta si wadajir ah u guddoomin doona shirkii heerka sare ee Hiigsiga, kaasoo ah kii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah kii labaad ee heer wasiir ee barnaamijka loo yaqaano (High Level Partners Forum) , ayaa waxaa ka soo qeybgeli doona wufuud shisheeye oo 30 gaaraya , iyo in ka badan 120 ergo oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ku jiraan Baarlamaanka, maamullada KMG ah iyo beesha caalamka.
Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya C/raxmaan Ceynte, ayaa u sheegay Warbaahinta muhiimada shirkaan inay tahay ka hadalka hiigsiga 2016-ka.
Mr Ceynte ayaa sidoo kale sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Dowladda Soomaaliya in shirkaan uu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in shirkan uu daba socdo Shirkii sanadkii hore ka dhacay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana shirka uu ka furmayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ay ammaankiisa gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM.
Madashan ayaa waxaa dib loogu eegi doona guud ahaan horumarka laga gaarey barnaamijka Cahdiga cusub, ee diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga lixdii bilood ee la soo dhaafey. Waxaa shirkan dib loogu eegayaa waxyaabaha qabsoomey, sida loo wajahayo caqabadaha jira, in la aqoonsado meelaha ay dulduleelooyinka ka jiraan iyo in si wadajir ah loo go’aansado waxa qabsoomi kara dhammaadka sannadkan 2015.
Iyadoo laga shidaal qaadanayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee nambarkiisa yahay 2232 (2015) oo maanta la meel mariyey.
Madaxweynaha iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkan diiradda ku saari doona muhimadda ay leedahay in wax la taaban karo loo qabto shacabka Soomaaliyeed: sida in adeegyada bulshada si hufan loo baahiyo, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta, ciribtirka kooxda Al Shabaab iyo xaqiijinta dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan hiigsiga sanadka 2016 iyo sida suura gal u tahay in nooc doorasho dalka uga dhacdo, maadaama Baarlamaanka iyo Xukuumadda horay u cadeeyeen in aanay doorasho qof iyo cod dalka ka dhici karin.


Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply