Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/wali Gaas: “Puntland waa maamulka kaliya ee sharciyad ku dhisan Soomaaliya”

Agosto 2 (Ceegaag)—Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 17aad ee ka soo wareegatay aas aaska maamulka Puntland ayaa xalay lagu qabtay magaalada Garowe xarunta Puntland.
Xafladan oo ay dad badan ka soo qeybgaleen ayaan lagu soo bandhigay riwaayad ka tarjumeysa xaalada ay ku sugan tahay Puntland, iyadoo aysan xafladan joogin wakiilo ka socda dowlada Federalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay ka jeediyay isagoo ku dhowaaqay cafis muddo bil ah soconaya kuwaasoo uu ugaga codsaday dadka ka tirsan ururka Alshabaab.
“Fursadan waa tii ugu dambeysay ee cafiska ah, waana hal bil haddii ay dhamaatana dagaal ayaan wadaynaa.”ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo hore Ra’iisal wasaare ugaga soo noqday dowlada Federalka ayaa si dadban ugaga hadlay xaalada siyaasada dalka.
“Puntland waa hooyada dalka balse ilmaheeda ayaa ku caasiyay mana tuurto hooyada ilmaha ku caasiya”ayuu yiri C/wali Gaas.
Isagoo ka hadlayay Madaxweyne Gaas arrimaha Federalka ayuu sheegay in Maamulka Puntland uu yahay maamulka kaliya ee sharciyad leh. Waxa uu Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay doonayaan inay raadiyaan dowladnimo taam ah oo aan cidna marti loogaga ahayn.
“Dad ayaa qaba soomaali dambe in aanan waqti isaga lumin inbadan oo cadow ah sidaa ayay doonayaan. Haddii aan weyno cid nala fahamto puntland ayaa soomaali noqonaysa.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa ku dhowaaqay in sanadka soo socda uu noqonayo sanadkii la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxana uu sheegay in doorasho ay ka dhici doonto sanadka 2019ka doorashadaa oo ah hal qof iyo hal cod.
Xafladii ka dhacday xalay xarunta maamulka Puntland ayaa ahayd mid aad ugaga hooseyso munaasabadihii hore loogaga qaban jirey sanadguurada aasaaska Puntland.
“Kutalagal ayaa loo fulin waayay qorshihii ku talagalka ahaa ee lagu gaarayay Higsiga,waxana aan ku baaqeynaa in gogol cusub loo fidiyo Soomaaliya mana yeeleyno damaca hal qof ama hal koox”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Gaas.
Intii ay xafladu socotay waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii kala duwanaa ee sanadkii la soo dhaafay iyo Hiigsiga Puntland ee sanadaan inagu soo aadan iyagoona Bulshada reer Puntland u balan qaaday amni buuxa iyo Horumar waara.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply