Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka Furmay Muqdisho

Ogoosto 02, 2015 (Ceegaag) — Waxaa Maanta si Rasmi ah uga Furmay Muqdisho Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Degmooyinka Gobalka Banaadir, Tartankan oo ka mid ah Tartammada ugu Xiisaha badan ee Kubadda Cagta dalkeenna.
Furitaankii Tartankan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo Agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis, Cusmaan Muxyadiin Cali (Cariif) oo ku hadlayay Magaca Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Madaama Degmadiisa uu ku yaallo Garoonka Banaadir Stadium oo tartankan lagu qabanayo.
Guddoomiye Cariif ayaa Xusay inuu soo dhaweynayo Kooxaha iyo Ciyaartoyda Tartanka ka qaybgalaya, isagoo u Mahad-celiyay Guddigii Qaban-qaabadda Tartankan. Wuxuuna u rajeeyay Kooxaha ka Qayb-galaya guul iyo horumar.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Xasan Aadan Xaaji Yabroow (Wiish) oo ku hadlayey magaca Guddiga Qaban-qaabada ayaa wuxuu guul ku tilmaamay inuu sannadkii labaad u Hir-galay Qabsoomidda Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir isgaoo uu xusay inay dadaal badan kaddib uu maanta Furmay Tartanka.
Waxaa iyana ka hadlay furitaanka tartanka guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobalka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhanka Arrimaha Bulshada, Imaan Nuur Iikar.
Xafladdii Furitaanka Tartankan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa xubno ka socday Guddiga Olombikada, Guddiyada Xiriirrada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Agaasimayaasha Dowladda Hoose ee Xamar iyo Ururrada Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Ciyaartii ugu horreysay ee Tartankan ayaa lagu furay Kooxo ka kala socday Degmooyinka C/casiis iyo Yaaqshiid; iyadoo Guushu ay Raacday Kooxdii ku Cayaaraysay Magaca Degmada Yaaqshiid oo ku badisay 2-1.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply