Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 3 (Ceegaag)— Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah, xilal kala duwana ka soo qabtay dalka haatana ah madaxweynaha khaatumo state ayaa ka badbaaday labo jeer halis ay gashay naftiisa. Siyaasigan ayaa ka sheekeeyay sida uu Alle ugaga badbaadiyay halista soo foodsaartay.
Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray gaarayna derejada heer ra’iisal wasaaranimo ayaa uga sheekeeyay wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee Daily Nation labo jeer oo uu naftiisu ay qatar gashay balse ka badbaaday.
Maalintii uu Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama qudbad ka jeedinayay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi, maalintii ugu dambeysay booqasho taariiqi ah oo uu ku tegey dalka aabihii uu asal ahaan ka soo jeedo ayaa siyaasiga Soomaaliyeed Cali Khaliif Galeyr waxa uu ku sugnaa hotel Jazeera Palace Hotel ee magaalada Muqdisho halkaa oo baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu qof waday ku qarxiyay hotelka.
Qaraxii ka dhashay weerarka ismiidaaminta ahaa ayaa sababay in ay ku dhintaan 13 ruux oo uu ka mid ahaa muwaadin u dhashay dalka Shiinaha tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen. Dr Galayr oo madaxweyne ka ah Khaatumo state ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku sugneyd hotelka waxana ku soo dhacay burburka dhismaha hotelka oo aad u burburay.
Sidoo kale Cali Khaliif waxa uu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday xarunta gnacsiga ee Westgate 21kii September 2013 taasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 67 ruux. “Waxaan ahay qof aad u nasiib badan,waxaan u malaynayaa in aan ahay sagaal nafle,”ayuu qadka taleefanka ugu sheegay Nation isagoo jooga magaalada Muqdisho Jimchii aynu ka soo gudubnay.
Cali Khaliif oo 74 jir ah ayaa degenaa Hotel Jazeera muddo bil ah, waxana uu qaraxu dhacay waxyar kahor intii uusan ka guurin hotelka. Weerarka lagu qaaday Hotel Jazeera ayaa waxaa dadkii ka badbaaday ka mid ahaa safiirka cusub ee dalka Kenya dhowaan u magacawday Soomaaliya Mr Lucas Tumbo iyo tiro ka mid ah shaqaalihiisa.
“Qarax weyn ayaa ka dhacay qolalkii xigey wadada garoonka diyaaradaha dhulka ayaan ku dhacay.”ayuu yiri Dr Galayr oo ka hadlayay qaraxii Hotel Jazeera. “Waxaan arkay dhagax weyn oo lugta igaga dhacay feerahana iigaga fariistay,”ayuu sii raaciyay. Cali Khaliif ayaa sheegay in uu muddo shan daqiiqo ah sugay kadibna uu arkay dhiig ka socda xusulkiisa midig iyo gacanta bidxeed.
“Waxaan ogaaday in halis badan aysanjirin maadaama aysan wax laf ah iga jabnayn,”. Hase yeeshee Dr Khaliif waxa uu xaqiiqsaday xoogga uu lahaa qaraxa markii uu tegey halka dadka lagu soo dhoweyo oo uu arkay qaboojiye dawooyin ugu jirey oo labo cad noqday.
Qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera ayaa waxa uu soo xusuusiyay Dr Galayr halistii kale ee uu ka badbaaday markii uu ku sugnaa xaruntii ganacsiga ee magaalada Nairobi ee Westgate. Isagoo markaa ka soo laabtay dalka Maraykanka ayuu Cali Khaliif waxa uu degenaa muddo bil ah guri ku yaal xaafada Westlands ee magaalada Nairobi. Waxa uu kula ballansanaa rag ay saaxibo ahaayeen Westgate tobankii subaxnimo.
Mid ka mid ah labada ruux ee uu la kulmayay ayaa ahaa siyaasi Soomaaliyeed halka kan kalaa uu ahaa diblumaasi ka soo jeeda dalka Burundi balse la shaqeeya AMISOM. “Waan quraacanaynay weliba quraac dambe oo waxaa ku dhowaa duhurtii markii aan maqlay qarax.
“Waxaan u malaynayaa in bambaanooyin dadka lagu tuurayay, meel darbi ah ayaa istaagay darbiga iga soo horjeedana waxaa taagnaa asxaabtii aan isla joognay. “Waxyar kadib waxaan arkay miiskii noo dhexeeyay oo ay mobaylo saran yihiin qof walbana uu cararay,”ayuu yiri Dr Cali Khaliif isagoo ka sheekeynayay weerarkii Westgate.
Markii uu arkay in la kala cararayo ayuu Cali Khalif miiska hoos galay maadaama meesha uu kaligii ku noqday.
Markii uu arkay in qaraxyadu ay sii kordhayaan oo ay rasaas meel walba duulduuleyso ayuu u cararay suuli ama musqul u dhoweyd waxana uu halkaa ku arkay dad kale oo ku dhuumanaya.
Nasiib wanaag waxaa halkaa ku yiil albaab dibada loogaga bixi karo wuuna ka baxay Dr Cali Khaliif albaabkaa. Hase ahaatee mardambe ayuu ogaaday ninkii Soomaaliyeed ee ay wada sheekeysanayeen in dhaawc fudud uu ka soo gaaray weerarka balse dublumaasigii ka soo jeeday dalka Burundi la soo badbaadiyay sagaal saacadood kadib.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina