Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 4 (Ceegaag)— Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka hadlay shirka lagu wado in maamul loogu sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku baaqay in dadka ka soo jeeda Gobolladaas lagala tashado aayaha Maamulka.
Cabdi Jiinow oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, kaasoo ahaa in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu qabanayo Beledweyn.
“Dadka ka soo jeeda Gobollada ayaa la rabaa in lagala tashto aayaha Maamulka, ee ma ahan in dad gooni ah lagala tashado qaabka maamulka lagu dhisayo iyo meesha gogosha lagu dhigayo, aad ayaa uga xumaha in Guddoomiyaha uu yiraahdo, isagoo tixraac ka dhiganaya Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa la go’aamiyay shirka in lagu qabto Beledweyn”ayuu yiri Cabdi Jiinow.
Sidoo kale Cabdi Jiinow ayaa sheegay in Madaxweynaha oo kaliya aanu la laheyn go’aanka halka lagu dhigayo gogosha, balse ay u baahan tahay dadka wada dega labada gobol inay isku racaan halka shirka u dooranayaan in lagu qabto.
“Goobta lagu qabanayo shirka Guddoomiye C/fataax iyo Cali Guudlaawe, iyo cid kale iyaga ma go’aamin karaan ee dadka ayaa go’aan ka gaaraya, dowladda iyo cid kasta waxaa uga digayaa in shirkaas la fara geliyo, waxayna keeni kartaa fashil”ayuu yiri Cabdi Jiinow.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa shalay sheegay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu qabanayo Beledweyn, isagoo xusay in Madaxweynaha iyo isaga ka hadleen, isla markaana Madaxweynuhu dhowaan tagayo Beledweyn.
Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ka mas’uul ah howlaha maamul u sameynta Gobollada dalka, ayaan wali ka soo bixin go’aanka ah halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta, iyo meesha ay noqoneyso caasimada, waxaana soconayo shirar ku saabsan arrimaha maamul u sameynta.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina