Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muqdisho Waa ma Dhalays Mas’uulna Waxaa ka ah Madaxtooyada Qaranka.

Ma go’ Jaceylka loo qabo mar walbana waa mid taagan, waa loo wada siman yahay yar iyo weynba Xiisaha, Tixgalinta iyo Qadarinta loo hayo, waa magaalo loo siman yahay oo isu dhigan ah isla markaana leh taariiq aad u qoto dheer, nus qarnigii ugu dambeeyay si isku mid ah ayay u maal gashatay ummadda Soomaalyieed, magac ahaan waxaa loogu yeeraa XAMAR CADE, MUQDISHO, BANAADIR, XARUNTII MIDNIMADDA, LUULKII BADWEYNTA HINDIYA iyo magac sharafeedyo kale.
Isbadalo kala kaan (duwan) ah ayaa la soo darsaday tan iyo intii ay jirtay caasimadda Soomaaliya, xilli waxaa soo maray Muqdisho ay ka mid ahayd magaalooyinka Afrika ugu Hodonsan, Nabadda badan, sidoo kalana loogu Dalxiiska badan yahay, waqtigaasi macaanta badan waxaa badalay Dagaalo Sokeeye, Bur-bur, Barakac, Bililiqo, iyo Nadaafad daro tir-tirtay wajigii quruxda badnaa ee lagu yaqiinay Muqdishadii malabka ka macaaanta badneyd.
Inkastoo ay Muqdisho soo marti galisay fool xumooyin aad u qara balaaran ayaa haddana waxey waqtiyadaan dambe u muuqatay mid ka soo kabanaysa dib u dhacyadii la soo gudboonaaday, shantii (5) sano ee ugu dambaysay Muqdisho waxay samaysay horumar aaney gaarin magaalo la mid ah, boqolaal dhismo oo quruxda ay qabaan awgeed hal-xiraale kuugu noqonaya ayaa ka hana qaaday magaalada Caasimadda ah, isbadalada xawliga dheereeya ee Xamar cade uu ku talaabsaday lama qiyaaso karo, dib waxaa u soo noolaaday oo xilligaaan caadaa (hawadaa) maraya adeegyo aan yareyn oo horey u naf la’aa sida Isgaarsiinta, Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka, Isportiga, Maal-gashiga magaalada, Is dhaxgalka, Samafalka, Soo dagitaanka Safaaradaha iyo arimo kale oo kuwaasi la ayni (mid) ah.
Koritaanka muga leh ee ay ku guulaysatay Muqdisho kuma imaanin qorshe iyo dadaal Dawladeed balse wuxuu ka dhashay Illaah ka sakoow Garashada, Kartida iyo Wadaninimada shacbiga Soomaaliyeed, la iskuma hayo in Muqdisho ay mahadisay waxqabadka bulshadeeda iyo saaxiibadeeda beesha caalamka gaar ahaan wallaalaha TURKIGA, hase yeeshee waxay ka dhimatay Madaxdeeda gaar ahaan halka loo yaqaano MADAXTOOYADA,
dhawr bilood ka hor waxaa Xamar cade laga bud dhigay dhismo loogu tala galay inuu noqdo mid CAALAMI ah, halgankii loo soo galay unkida aqalkaaasi ujeedadiisu waxay ahayd sidii Muqdisho loogu sharfi lahaa furida xaruntii dhexe ee Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga, taasi oo midaynaysa idil ahaan shucuubta ku hadasha Afka Soomaaliga ee ku kala nool arlada G/Afrika, yididiiladii shallay la qabay maanta wey geeriyootay sababteedana waxaa iska leh Madaxtooyada qaranka.
Magacyo badanta Madaxtooyada oo dadka qaarkiis ay ugu yeeraan BUURKA, halka ay kuwa kalana ku naanaysaan, Gurigii Damul Jadiid, Hoygii Takri falka, iyo magacyo kale ayaa muddo ku dhaw 6-bilood waxay cagta ka hoos galisay deegaan Degmada Shingaani laga siiyay Akadeemiyada Caalamiga ah ee Afka Soomaaliga, isku dayo lagu doonayay in looga wada hadlo sidii arintaan lagu xalin lahaa ayaa shaqeyn la’ kadib markii ay xarfaanta Villa Soomaaliya ay ka gaws adeegeen in lagala xaajaadoodo arintaasi.
Waa la yaab maanta Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga waxay ku magaacaban tahay in Muqdisho laga siiyay dhul loo dhagax dhigay balse taasi haatan ma jirto, xaqiiqdii deegaankii loo hibeeyay Akadeemiyadaan waxaa si sharci daro ah Hay’ad kale ugu wareejisay Madaxtooyada, marka loo kuur galo hab dhaqanka iyo takri falka ay Madaxtooyada ku kacayso waxaa la dhihi karaa waxay MA DHALAYS ka dhigaysaa horumarkii lala jeclaa Muqdisho, Xamar cade waa la xumeeyay waxaase ayaan daro in xaruntii astaanta u ahayd Qaranka Soomaaliyeed iney ku dhiirato hor istaagida goobtii Caalamiga ahayd ee G/Banaadir laga qotomin lahaa.
Dhib malahan haddii reer Banaadir ay ku fashilmaan taaba galinta xaruntaan waxaa taa badalkeeda la qaadanayaa in saldhiga Akadeemiyada loo raro magaalooyinka D’JAPOUTI ama JIG-JIGA oo iyagu horey xusul duub ugu jiray sidii dhulkooda looga dhigi lahaa xaruntaasi Caalamiga ah.
Maqaalkan waxaa fdikirkiisa ku cabiray qoraha maqaalkan laakiin siyaasada webka ceegaag kamatarjumaayo

Shiikhaalow Xasan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply