Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof: Lafoole oo khudbad ka Jeediyey Laascaanod “Yuhuuda waxaa uga Adag dhulka in lagala hadlo dadka”

Laascanod Aug 09,2015 (Ceegaag)Shir aan noociisa hada ka hor ka dhicin Soomaliya ayaa lagu daah furay Laascaanood kazoo Qurbaawiyiinta iyo Dal Joogtu isku xog waraysanayaan.  Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof: Cabdirisaaq Lafoole ayaa Khudbad kooban oo dhinacyo badan Taabanaysa Kasoo jeediyey kulan ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Kaasi oo ay isugu yimaadeen Qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka iyo waliba sidoo kale dadka ku dhaqan Gobolka Sool.

C/risaaq ayaa wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahay  in Bulshadu aysan Dhulkooda Dayacin, Wuxuuna Tusaale usoo qaatay in Yuhuudu ay Qadiyada Dhulka Falastiin in lagala hadlo ay ka Neceb yihiin in lagala hadlo in dadka u dhashay Falastiin ee maqan dib ay ugu soo noqdaan.

Kulanka ka qabsoomay magaalada Laascaanood ee dhexmaray Qurbajoogta iyo Gudo-joogta ayaa waxaa Diirada Lagu saaray sidii loo xoojin lahaa horumarinta arimaha Waxabashada , Caafimaadka , Dhaqaalaha iyo Ganacsiga , iyo wada shaqaynta.

Dhinaca kale Qurba joogta ayaa doonasa inay dalka dib ugu noqdaan oo kaliya marka maamulka Khaatumo la wareego deegaanada Khaatumo ee xooga lagaga haysto.

Daawo

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply