Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeebta Wayn ee Magaalada Boosaaso oo Maydad farabadan oo Tahriibayaal ahi ku soo Caarideen Dadkana Wal Wali ku abuurtay deegaanka Boosaaso

Ugu yaraan 18 qof oo meyd ah islamarkaana isu jiray rag, dumar iyo carruur ayaa la keenay isbitaalka geed ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Dadkaan ayaa ahaa tahriibayaal rabay in ay aadaan dalka Yemen, waxaa la aaminsan yahay in ay ku halaagsameen badda dhexdeeda iyaga oo aan wax badan ka fogaan magaalada Bosaso ee ay xeebteeda ka tahriibeen.

10 ka mid ah meydadka ayaa ahaa haween,7 rag iyo halka midka kalena ahaa ilmo yar, da’diisuna lagu qiyaasay 4 sano.

meydka dadkan ayaa maanta lagu arkey iyaga oo daadsan xeebta magaalada Bosaso taas oo si weyn looga argagaxay.

Mid ka mid Saraakiisha ammaan ee magaalada ayaa sheegay in ay ahaayeen dadkaani tahriibayaal ka koobnaa lixdan qof, 18 meyddadkooda waa la helay ayuu yiri,4 waa ay badbaadeen oo gacanta ayaan ku heynaa ,iyaga ayaana inoo sheegay in ay ahaayeen lixdan qof, halka kuwa kale aan lahayn nolol iyo geeri toona.

Dad farabadan ayaa soo gaarey gudaha isbitaalka,kuwaasi oo rabay in ay arkaan meydadka, si haddii ay u aqoonsadaan ay u qaadan lahaayeen meydka,waxaana  jiray dad la aqoonsaday ,islamarkaan la qaaday meydkooda.

Goobta ayaa ahayd goob ay murugo ka muuqatay,waxaana dadkii soo buuxnaafiyey wajiyadooda ka muuqatay murugo farabadan, halka haweenkii soo buuxdhaafiyey madasha qaarkood ay ilmeenayeen.

Xukuumadda Puntland ayaa marar badan isku dayeydey in ay ka hortagto dadka ka tahriiba xeebaha Puntland laakiin arrintaas ayaan noqon mid lagu guuleysto oo la soo afjaro, waxaana jira dad ka ganacsada oo u diyaariya gaadiidkii ay ku dhoofi lahaayeen.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag