Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Saraakiisha AMISOM oo wax laga weydiiyay Xad-gudbyo ay Ciidamadoodu Geysteen

Ogoosto 12, 2015 (Ceegaag) — Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa maanta Wax laga Weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin; Xad-gudubyo lagu eedeeyay Ciidanka AMISOM inay u geysteen dad shacab ah oo ku nool degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, Sharciyadda Howlgalka AMISOM iyo weliba Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Gobollada dalka Qaarkood ka wadaan.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa Waxaa ka Qayb-galay Xubnaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Midowga Afrika ee Somalia, ahna madaxa AMISOM, Maman S. Sidikou, taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Jenathan Ronu, ku-xigeenkiisa iyo Saraakiil kale oo ka Socday Taliska Midowga Afrika ee Somalia.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka FS, Xil. Xuseen Carab Ciise oo Kulanka kaddib la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in Xubnihii ka socday AMISOM ay isku isku-afgartay in Baarista xad-gudubyada lagu eedeeyay ciidammada AMISOM loo saaro guddi gaar ah oo labada dhinac ka kala socda.
Sidoo kale, Danjire Maman S. Sidikou ayaa isagana Dhankiisa u Sheegay Warbaahinta in ay aad ugu Faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia ay u yeeraan, isla markaana ay su’aalo ka weydiiyaan Arrimo kala duwan, isagoo ballan-qaaday inay sii wadi doonaan Wada-shaqeynta ay leeyihiin Guddiga difaaca Baarlamaanka Federaalka Somalia.
Ugu dambeyn, Guddiga Difaaca BFS ayaa Sheegay in Su’aalo Weydiintan ay ka mid tahay waajibaadyada Guddiga loo igmaday, ayna si wanaagsan uga doodeen arrimahan Xubnihii ka socday Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].
Si kastaba ha ahaatee, Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada AMISOM ee Gobollada Somalia ku sugan lagu eedeeyay inay Dilal ula kac ah u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhowr qof oo ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku dileen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply