Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BOOSAASO: Hay’ada Tadamun oo 100 Qoys oo Yemeniyiin ah u Qaybisay Raashin

Ogoosto 16, 2015 (Ceegaag) — Hay’adda Tadamun oo ah Hay’ad Waddaniga ah oo ka Hawl-gasha Puntland iyo Somalia ayaa wada barnaamijyo loogu gurmanayo Qaxootiga Yemen kasoo qaxay, iyadoo maanta 100-qoys oo Yemeniyiin ah u Qaybisay Gargaar Cunno. Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee Rashiinka loo Qaybiyay ayaa isugu jiray Haween iyo Rag Dhamaantood Yemeniyiin ahaa, kuwaasoo kasoo cararay dagaallada ka socda dalkooda. Gargaarkan raashinka ah ee ay ku deeqday Hay’adda Qatar Cherity, ayaa lasoo marsiiyay Hay’adda Waddaniga ah ee Tadamun oo u Qaybisay Qoxootiga Yemen kasoo Qaxay ee ku nool Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Halka lagu bixinayay deeqda oo ahayd Iskuulka Nawaawi ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Tadaamun, Agaasimaha Qoxootiga Puntland iyo Wakiilka Yemen ee Puntland. Iyadoo ay Deeqdan isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir. Madaxa Mashaariicda Tadamun Ibraahim Cabdullaahi Maxamad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hay’adda Tadamun ay tahay hay’ad mar walba ka qayb-qaadata Barnamaij-yada lagu Tabarucayo Dadka Tabaaleysan. Sidoo kale, Agaasimaha Qoxootiga Puntland, Burhaan Huruuse Xaanshi oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa kaga Mahad-celiyey Gargaarka Hay’adaha Tadamun iyo Qatar Cherity u Qaybiyeen Qoxootiga Yemeniyiinta ah. Wakiilka dalka Yemen ee Puntland, Abdalla Saalah Yaxya oo ugu dambeyn la hadlay war-fidiyeenka ayaa isna sheegay inuu mahad u celinayo Hay’adaha Qatar Cherity & Tadamun, Wuxuuna intaas ku daray in hay’adaha kale ee ka Hawl-gala Somalia ku daydaan Tadamun oo mar walba u tagaan kaalmeynta Qoxootiga kasoo cararay Yemen. Ugu dambeyn, Deeqdan Raashinka ah ayaa waxay ka mid tahay Dadaallada ay hay’adda Tadamun iyo Guddiga Gurmadka Qoxootiga Yemen kasoo Qaxay lagu Caawinayo
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply