Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanadii Diidanaa Mooshinka oo War Naxdin leh gaarsiiyay MD Xasan.

Agosto16,2015(Ceegaag) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu si aad ah uga carooday fariin cusub oo uga timid dhanka Xildhibaanada uu ku dhex leeyahay BF.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xildhibaanadaasi ay Madaxweyne Xasan u gudbiyeen in tirada Xildhibaanada ku biiray Mooshinka socda ay sii korortay kadib markii Mooshin hogaamiyayaasha ay ku dhex milmeen Xildhibaanada.

Ilaa iyo Sagaal Xildhibaan ayaa la soo warinayaa inay ku biiren Mooshinka laga geeyay Madaxweyne Xasan kuwaasi oo Seddex kamid ah saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan oo ku howlan xalinta Mooshinkaasi ayaa waxaa hadana gaaray fariimo ah inay sii kordhayaan Mooshin wadayaasha waana tan keentay in Xasan uu furka ku tuurto Xildhibaano tiro ah oo uu u xilsaaray inay xaliyaan Mooshinka ka hor inta aan la gaarin xiliga la horgeyn lahaa BF.

Madaxweyne Xasan ayaa aad uga walaacsan fariinta kaga timid dhanka mudanayaasha taageersan waxa uuna iminka ku dhiiranayaa inuu waxbadan ka bedelo nidaamka socda, waxaana suuragal ah inuu gacanta la galo Mooshinka si loo kala yareeyo tirada.

Dadka falanqeeya Siyaasada ayaa Mooshinkaani ku tilmaamay kii uu ku dhici lahaa Madaxweyne Xasan waxa ayna qabaan in Mooshinka ay dhaqaale adag ku bixinayaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo iyagu aan xiligaani ku raali aheyn in Xasan uu sii haayo xilka.

Lama saadaalinkaro natiijooyinka ka dhalankara Mooshinka inkastoo Madaxweyne Xassan uu xiligaani yahay shaqsi mooraalkiisu hooseeyo, bacdamaa uu garbo belay.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply