Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mudane Sheegay in Mooshinkii Dhanka ka ahaa Madaxweynaha loo Gudbiyay Maxkamadda Sare

Ogoosto 17, 2015(CEEGAAG) — Mooshinkii ay Dhawaan ay 93 Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka Somalia ka keeneen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka sida uu sheegay xildhibaan ka mid ahaa kuwii Mooshinkan soo diyaariyay.
Xildhibaan C/llaahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Xildhibaannadii dhawaan Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay in Mooshinka loo gudbiyay Maxkamadda Saree e dalka si ay go’aan uga gaarto.
Sidoo kale, Mudanaha ayaa sheegay in dastuurka dalka u yaalla uu qabo in loo gudbin karo Mooshinka Maxkamadda Sare ee dalka, wuxuuna intaas ku daray in eedeyN sidan oo kale ah Haddii Madaxweynaha loo jeediyo ay Waajib tahay in Maxkamadda Dastuuriga ah loo gudbiyo, haddii aysan jirinna loo Gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dalka.
“Maadaama aysan jirin Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee dalka, Waxaan Mooshinka aanu ka keenay Madaxweynaha Sooamaliya u gudbinnay Maxkamadda Sare, Dastuurka Dalka u yaalla ayaana qaba marka eedeymo sidaan oo kale ah loosoo jeediyo Madaxweynaha dalka in Maxkamadi ay soo caddeyso eedeymahaas,” ayuu yiri Xildhibanka C/llaahi Jaamac.
Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in ujeeddada ay Mooshinkooda ugu Gud-biyeen Maxkamadda Sare ay tahay sidii looga talin lahaa maslaxadda dadka Soomaaliyeed, isla markaana aanay jirin khilaaf horay uga dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Somalia iyo Xildhibaannada Mooshinka ka keenay.
Xildhibaanka ayaa ku baaqay inaan Qal-qal la gelin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu Shaqadiisa Qabsanayo, Madaxda Qarankana lala Xisaabatamayo.
Ugu dambeyn, Tallaabada ay Xildhibaannadu Maxkamadda Sare ee Dalka ugu Gudbiyeen Mooshinka ka Dhanka ah Madaxweyne Xasan ayaa kusoo Beegmaysa iyadoo Guddoonka Baarlaamaanka Somalia ay habeen ka hor sheegeen in Mooshinka loo mari doono sida uu qabo Dastuurka Dalka.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply