Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ogoosto 18, 2015 (CEEGAAG) — Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta soo Gunaanaday kulan Wada-tashi ah oo Gudniinka Fircooniga ah looga hadlayay kaasoo ay ka Qayb-galeen Hay’ado u ololeeya ka hor-tagga Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Kulankan waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa; Xeer-ilaailyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Diinta iyo Ow-qaafta, Dekedaha iyo sidoo kale Wasiirka Cadaaladda.
Furitaankii kulanka ayay Wasiiraddu kaga Hadashay Dhibaatada Gudniinkan ku leeyahay Gabadhaha Soomaaliyeed, iyadoo Sheegtay in Olole ay Shacabka uga Wacyi-gelinayaan Gudniinka Fircooniga ah, iyadoo xustay inuusan ku haboonayn haweenka Soomaaliyeed.
“Dowladdu waxay diyaar u tahay in lasoo Af-jaro Gudniinka Fircooniga ah, isla markaana sharci kama danbeys ah oo lagu mamnuucayo laga soo saaro,” ayay tiri Sahro Cali Samatar oo kulanka ka hadlaysay.
Sidoo kale, Wasiiradu waxay xustay in muddo lasoo waday Wacyi-gelinta looga hortagayo Gudniinka Fircooniga ah, Waxayna tilmaantay in ugu dambeyn Shirka Wada-tashiga ah ee maanta ay wada-yeesheen Dowladda Somalia, bulshada iyo Culummada Soomaaliyeed la isku raacay in sida ugu dhaqsiyo badan loosoo saaro Sharci mamnuucaya Gudniinkan.
“Khamiista soo socota waxaan Rajeyneynaa inay Wasiiraddu Ansixiyso Sharci rasmi ah oo Mamnuucaya gudniinka aan islaamiga ahayn,” ayay tiri Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar.
Dhanka kale, Afhayeenka Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo Hadallo kooban ka jeediiyay kulankii maanta ayaa tilmaamay in Islaamku aanu ogoleyn Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha lagu sameeyo.
“Cid kasta oo Sameysa Gudniinkaas Islaamku wuxuu ku Xukumi karaa Diyo in laga Qaado iyo weliba in la ciqaabo,” ayuu yiri Sh. Baaruud, wuxuuna Waaliddiinta Soomaaliyeed uga digay inay Gabadhooda u Gudaan Qaab Fircooni ah.
Sh. Nuur Baaruud ayaa wuxuu intaas ku daray in dhaqanka fircooniga ah ee ay Soomaalidu Muddo soo waday uu yahay caado aad u xun oo aan Waafaqsanayn Diinta Islaamka.
Madaxa Hay’adda SWDC, Sahro Axmed Maxamed oo iyadana Hadal kooban ka Jeedisay Kulanka ayaa Sheegtay in Nasiib-wanaag ay tahay in hadda la heley Dowladda ay ka go’an tahay in lasoo af-jaro Gudniinka Fircooniga ah, Madaama Wax badan lasoo Waday wacyi-gelin iyo ka Hor-tagga Gudniinka Firrcooniga ah.
Ugu dambeyn, Wasiiradda Haweenka Xukuumadda Somalia ayaa Gaba-gabeysay kulanka Wadatashiga ah ka sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladdu ay u soo saari doono sharci Mamnuucaya Gudniinkan.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina