Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
26, 27, iyo 28-ka bishaan August ee 2015-ka waa seddex cisho oo si gaar ah loo dhararayo imaatinkooda, sida la qiyaasayo maalmahaasi waxay ka mid noqon doonaan waqtiyada Taariikhiga ah ee la xasuusnaan doono, qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa hadal haysa soo galitaanka cishooyinkaasi, diyaar garoow aad u sareeya oo ku aadan marti- galinta maalmahaasi ayaa si xawli leh uga soconaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aqoonyahano kala duwan ay guntiga dhiisha u xerteen sidii ay uga jiba (guul) keeni lahaayeen guusha maalmahaasi.
Tixgalinta, Weyneynta, iyo Sharafka loo hayo maalmahaasi
waxaa dhaliyay hawsha qiimaha badan ee la qorsheynaayo in la qabto iyo barnaamijyada xiisa leh ee socon doona waqtiyadaasi darteed, inkastoo adeegyo kala gooni-gooni ah lagu dhex qaban doono maalmahaasi ayaa haddana hawsha ugu baaxadda balaaran ee la dhaqaajinaayo waa DAALACASHADA, AQRINTA, SAXIIXIDA, HIBAYNTA, iyo IIBSASHADA kumanaanka buug ee la soo bandhigayo, arintaasi ka sakoow waxaa isla goobta ka dhici doona DOOD CILMIYEEDYO ay kaqayb qaadan doonaan ruug- cadayaal Magac iyo Maamuusba ku dhex leh Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo intaasi ay dheer tahay Suugaan isugu jirta HAL-ABUUR iyo MADADAALO, kuwaasi oo ku taxaluqa Hiddaha iyo Dhaqanka faca weyn ee ummadda Soomaliyeed.
Bandhigaan oo loogu wanqalay MOGADISHO INTERNATIONAL BOOK FAIR waxaa loo gartay sida magaciisa ka muuqata in gogoshiisa la dhigo Magaalada Muqdisho, talaabadaan oo ah mid aad loo soo dhaweeyay ayaa waxay qeyb ka tahay koritaanka iyo isbadalada ka soconaya Muqdisho, xaqiiqdiina arintaan waxay horseed ka noqon kartaa inay wax badan ka badasho aragtidii hore ee Muqdisho laga qabay maadaama uu barnaamijkaan yahay mid soo jiidan kara indhaha beesha caalamka oo idil, qasdiga loo qabanayo madashaan ayaa wuxuu yahay sidii bulshadeena loogu dhiiri galin lahaa dhaqanka suuban ee daalacashada buugaagta oo laga helo cilmi aad u fara badan.
Suurta galinta carwadaan oo xusul duub aan yareyn loo soo galay ma aha mid heerkeedu hooseeyo waana mid caalami ah (INTERNATIONAL), dhabtiina waxaa la filayaa inaan loo kala hari doonin sidii shaqsi walba uu nasiib ugu heli lahaa ka bogashadeeda, qiimeyn ahaan aqoonyahanada qaban-qaabinaya bandhigaan waxay ku cabireen in ay tahay midii ugu sareysay ee abid lagu qabto Soomaaliya.
Taariiq ahaan buugaaagta Soomaliya loogu jecel yahay aqriskooda iyo qaar kale oo in badan lagu hadaaqayay sidii mar kale loo heli lahaa ayaa qeyb ka aha bandhigaan oo la qorsheynayo inuu maalmaha ugu dambeeya ee toddobaadka soo socda uu ka dhaco CITY PALACE HOTEL, casuumaada madashaan oo lagu saleeyay Soomaalinimo ayaa waxaa la gaarsiiyay dacal kasta oo ay Soomaalidu ka joogto caalamka, ku tala galkuna waxa uu yahay in wadamada dunida dhamaaatood la isaga imaan doono, mutacalimiinta, mufakeriinta iyo dhaqan yaqaanada la marti qaaday ayaa ah dad macruuf ah oo lagu yaqaano Nadiifnimo ku salaysan Soomaalinimo, kuwaasi oo ah Biri magaydo aan lahayn Xuduud Siyaasadeed.
Qaban qaabada bandhigaan oo xilligaan maraya halkii ugu sareeyay ayaa diyaarintiisa waxaa iska kaashanaya Aqoonyahano, Wadaniyiin iyo inta hibadda u leh shaqooyinka ay soo koobayso carwadaan, soo dhaweyn, tixgilin iyo hab maamuus aad u fiican ayaa loo qorsheeyay ruux walba oo damaciisu yahay ka qeyb galka bandhigaasi, dad badan oo iminka is diiwaan galiyay ayaa Amaan iyo Bogaadin u jeedinaya saaxiibada isu xil saaray Madal Aqooneedkaasi.
Marka laga soo tago maalmaha Qarameed ee Soomaaaliya u gaarka ah, haddii ay jiri doonaan maalmo kale oo la ciseeyo hubaashii waxay noqon doonaan 26, 27, iyo 28-ka bishaan, si aan u wada faraxno Guushu waxay ku jirtaa inaan ka wada qeyb qaadano bandhigaan, muwaadin walba oo fursad u helaya ka qeyb galka carwadaan waxaa haboon inu u dhaqaaqo sidii uu uga qeyb gali laha , si aan looga sheekayn ama aysan si fudud u dhaafin maalmo taariiqi ah oo laga sii sheekayn doono qiimaha ay lahaayeen awgeed.
W/D Shiikhaalow Xasan
Figradihiina