Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 20 (CEEGAAG)— Mareykanka ayaa sheegtay inuu kordhinayo weerarada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones ee uu ka wado Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha muhiimka ah ee Al-Shabaab.
Diyaaradaha Drones ee Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro ka geysanayay Koofurta Soomaaliya, iyagoo beegsanayay kolonyo ay la socdaan saraakiisha Shabaab.
War dhowaan ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarada diyaaradaha Drones ay ka fuliyaan dalal badan oo ka mid ah Soomaaliya la kordhinayo.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in weerarada diyaaradaha Drones ay suura geliyeen in la beegsado saraakiil muhiim ah, iyadoo la helayo xogo muhiim ah.
C/xakiin Fiqi ayaa sheegay inay yar tahay khasaaraha rayidka ee ay geystaan diyaaradaha, isagoo ku sababeeyay in xogo muhiim ah oo la helo lagu fuliyo weerarada cirka ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay fuliyaan.
“Waxaa shaki ku jirin khasaare ballaaran inay gaarsiinayaan hogaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo habka ay u howl galeen, guulaha laga gaaray waxaa ka mid ah in la beegsaday hogaamiyeyaal muhiim ahaa sida Axmed Godane”ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo la hadlayay Idaacada VOA.
Mar la weydiiyay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Sirdoonka Mareykanka iyo Soomaaliya marka howl galada dhacayaan ayuu ku tilmaamay inay jirto wada shaqeyn aad u xoogan oo ku aadan wadaagida xogaha iyo inay ka wada tashadaan marka howl galka la sameynayo.
Dowladda Mareykanka ayaa weerarada cirka ah ee ay u isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ka fulisay dalalka Yemen, Soomaaliya, Pakistan, Afghanistan iyo Libiya.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina