Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamo taageersan Wasiirka Ganacsiga Galmudug oo la wareegay Cabudwaaq

September 10 (Ceegaag)—Ciidamo taabacsan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug ayaa la wareegay maamulka degmada Cabudwaaq kadib dagaalo socday muddo labo maalmood ah.
Ciidamada Ahlu Sunna oo hore u maamulayay degmada Cabudwaaq kana soo horjeeday maamulka Galmudug ee dhowaan loogaga dhowaaqay degmada Cadaado ayaa laga saaray magaalada iyadoo wararka ka imanaya magaalada Cabudwaaq ay sheegayaan in ay ku isku urursanayaan duleedka magaalada.
Xaalada magaalada ayaa maanta ah mid degen balse boqolaal qoys oo ka barakacay magaalada ayaan dib ugu soo laaban, waxaana maanta xirnaa guud ahaan ganacsiga iyo goobaha waxbarashada magaalada Cabudwaaq.
Saxafiyiin ku sugan magaalada Cabudwaaq ayaa shabakada warbaahinta ceegaag.com u xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Illaa hadda lama oga tirada saxda ah ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dad ku dhow labaatan ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka.
Dagaalka ayaa ka bilowday ismaandhaaf siyaasadeedoo udhaxeeya maamulka dhawaan laga yagleelay gobalada dhexe ee gal mudug iyo ahlusunaha waljamaaca oo qeybo kamid ah gobalka iyaga gacanta kuhaya qeybo gobalka kamid ah.
Dhanka kale ciidamada taabacsan ahlusuna ayaa soogalay magaalada Cabudwaaq kadib ahluSuna ay isku dayeen in ay soo qabtaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug oo gaaray magaalada Cabudwaaq, balse waxaa ka hor istaagay ilaalada wasiirka halkaa oo dagaalku uu ka bilowday.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamul goboleedka Galmudug Cabdiladiif Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay la wareegeen magaalada Cabudwaaq.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply