Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 10, 2015 (Ceegaag) — Boqoradda Dalka Britain, Queen Elizabeth ayaa shacab isku soo baxay oo Sacabatumaya ay kusoo dhaweeyeen Scotland, iyadoo maanta noqotay boqoraddii waqtiga ugu dheer xukunta dalka Britain.
Boqoradda Elizabeth ayaa Gaartay Caasimadda Scotland ee Edinburgh si ay u furto khad cusub oo Tareennada ah.
Waxay kusoo beegmaysaa maalin ay noqotay Boqoraddii ugu xukunka dheerayd taariikhda dalka Britain, iyadoo boqorad ahayd muddo lixdan iyo saddex sano toddoba bilood iyo laba maalmood ah. Waxaana horay xukunkii boqortooyo ee ugu dheeraa madax u noqotay ayeydeed sadexaad, boqorad Victoria.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Britain, John Major ayaa Sheegay in isaga iyo 11-Ra’iisul Wasaare oo hore ay xilka isku badaleen intii ay xilka haysay, isagoo xusay in boqoraddu ay mar walba ahayd mid si buuxda qayb uga ah Nolosha Britain.
Ugu dambeyn, iyadoo ah Boqortooyo Dastuuri ah, ayay haddana Madax u tahay 15 Dal oo ah Waddamada la isku yiraahdo Barwaaqo-sooranka oo ay ku jiraan Canada iyo Australia.
Ceegaag- muqdishoXIGASHO: BBC SOMALI
Figradihiina