Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 10, 2015 (Ceegaag) — Munaasabad Xarigga looga Jarayay Dayactir lagu sameeyay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.
Xafladdan ayaa waxaa ka Qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya, Taliyaal Ciidan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garsoorayaal iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.
Ugu horreyn waxaa Munaasabadda hadallo kooban ka jeediyay Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Gobolkan Banaadir, isagoo sharaxaad ka bixiyay qaababka kala duwan oo ay soo mareen shaqooyinkoodii maxkamada iyo inay doonayaan in xarunta laga Raro Maxkamadaha ay ka midka yihiin tan millateriga loona dhiso Xarumahooda.
Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qarank, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka Dal-baday Mas’uuliyiintii ka socotay Waddamadda Deeq-bixiyeyaasha inay taageero dheeraad ah ku bixiyaan Dhismaha Xarumaha Maxkamadaha Dalka.
Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ah goobta maanta Xarigga laga jaray kaddib Dayactir in muddo ah ku socday ayaa noqonaysa Xarun u gaar ah Maxkamadda Gobolka Banaadir, maadaama in muddo ah ay ahayd Xarun ay ku dhex-shaqeynayeen Xafiisyada Maxkamadaha kale ee dalka ka jira.
Wasiirrada Cadaalada iyo Amniga Gudaha oo Xafladda Goob-joog ahaa ayaa xafladda ka sheegay inay Midowga Yurub uga Mahad-celnayaan Dhismaha ay ku sameeyeen Xarunta Maxkamadda Gobolka ee Maanta Xarigga laga jaray.
Dhinaca kale, Xubno uu ka mid ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Somalia ayaa Madasha ka sheegay in Midowga Yurub uu ballaarin doono Qorshaha ku aaddan dib u dhiska ay ku sameynayaan xaruumaha danta guud ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed uu ka codsanayo in ay ixtiraamaan Garsoorka Dalka, wuxuuna ku cel-celiyay inay xilligan haystaan Garsoorayaasha dalka ay haystaan dhaqaale-xumo iyo ammaan-darro.
-Ceegaag-muqdisho
Figradihiina