Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 12, 2015 (Ceegaag) — Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa isagoo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan inay Maqcuul tahay in Qaar ka mid ah Askartooda ay Gacanta ugu jiraan Al-shabaab.
Museveni ayaa sheegay in ay la’yihiin lix ka mid ah askartooda, kaddib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose 01-dii bishan September.
Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda ayaa xusay in weerarkii Jannaale ay kaga dhimatay 19-ka mid ah Askartooda; halka ay Al-shabaab sheegeen inay dileen 50 ka tirsan Askarta Uganda ee AMISOM oo Xeradaas ku sugnaa.
Yoweri Museveni ayaa dhanka kale sheegay in Askar intaasi la’eg in laga dilo ay ahayd khalad ay sameeyeen ciidamadooda, isla markaana saraakiishii halkaasi shaqo joojin lagu sameeyay, lana soo taagayo Maxkamad Ciidan.
“Waa khalad ay sameeyeen saraakiisha ciidamadeenna in nalaga laayo Askar tiradoodu 19 tahay. xilliga Weerarku dhacayay wey jiifteen ciidamada iyo weliba saraakiishii saldhigaas ku sugnaa, sidaa awgeedna shaqadii waan ka joojinnay saraakiil ka tirsan kuwa hawl-galka nooga jooga Soomaalya,” ayuu yiri Museveni.
Madaxweynaha Uganda ayaa xusay in ciidamadiisa ay Somalia ka bixi doonaan sida uu sheegay marka ay khatarta dhamaato, balse ma uusan sheegin xilliga ay ka ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay tiro ka mid ah Askarta Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM ay nolosha ku hayaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ku qabteen weerarkii Jannaale, ayna haatan xiran yihiin.
Ugu dambeyn, Yoweri Museveni ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo saraakiil u hadlay Millateriga Uganda ay Sheegeen in Weerarkii Jannaale looga dilay 12-askari oo keliya, ayna kaga dhaawacmeen 12-kale.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina