Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kulankan Wadatashiga ah ee maanta ay isugu yimaadeen guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii labada dhinac ay wada tashi iyo wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.
Kulanka oo ka dhacay hoteelka SYL oo kaabiga ku haya madaxtooyada Soomaaliya ayaa la isku weydaarsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya ka dheceysa sida ay noqon karto maadaama Dowladdu ay sheegtay in sanadka 2016 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Cabdiqaadir Gacal Abkow oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ku sheegay kulankii maanta mid loo baahanaa, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la helo hab doorasho oo dadka ay ku wada qanacsanyihiin.
“Kulanka wadatashiga ee maanta halkan loo fadhiyay waa kulan loo bahanaa in ururada bulshada iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay wada hadlaan, isla markaana la is faro sida loo gaari karo wada shaqeyn dhab ah, sidaa darteed dalku wuxuu u bahaanyahay doorasho iyo in la helo dowlad lasoo doortay, taasoo ah sida lagu heli karo in shaqo adag la qabto oo ay kamid tahay in dadka la baro doorashooyinka maadaama jiilka 30-ka ka yar aysan waxba ka fahansaneyn nidaamka doorashada” ayuu yiri Cabdiqaadir Gacal Abkow.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ayaa sheegtay inay isku afgarteen guddiga ay madaxda ka tahay iyo bulshada rayidka ah, inay si dhow u wada shaqeeyaan labada dhinac, waxayna intaasi ku dartay Guddigooda in uusan ka maarmin talada Ururada Bulshada rayidka ah ayna sii wadi doonaan in ay wixii fikir ah ee wax lagu dhisayo ka qaataan.
“kulanka ay isugu yimaadeen Guddiga Madaxa banaaan ee doorashooyinka iyo Ururada Bulshada rayidka ah horta waxaan uga mahadcelinaa Ururada Bulshadsa oo iyaga soo codsaday inay nala kulmaan, si ay wax uga ogaadaan Guddiga Doorashoyinka ilaa maalintii la doortay, waxa ay qabteen runtii, wuxuu ahaa mid aan si aad ah wax uga kala faa’iideysanay loona baahan yahay inay sii socdaan talada ugu weyn ee soo baxday waxa waaye, markii laga hadlay shaqada la qabanayo iyo cidda qabaneysa inaan laga maarmin Ururada Bulshada rayidka ah inay qeybtooda ka qaataan”ayey tiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).
Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadatashiyo la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda si loo helo hab doorasho oo dadka ay ku qanci karaan, maadaama Dowladda ay shaacisay in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho qof kasta uu codkiisa dhiibanayo.
Figradihiina