Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xarun Cusub oo Jimicsiga iyo Jir-dhiska ah oo MUQDISHO laga Furay

September 14, 2015 (Ceegaag) — Waxaa Maanta Degmada Hawlwadaag ee Muqdisho laga furay Xarunta Jir-dhiska iyo Jimicsiga ee NORAIN (Norain Gym and Physiotherapy Center), iyadoo Xaruntan ay fureen Dhakhaatiir Soomaali ah oo Qurbaha ka soo laabtay.
Maamulaha Xaruntan, Dr. Cabdiwaaxid ayaa sheegay in Furitaankeeda ay ku timid kaddib daraasad dheer oo ay ku sameeyeen baahida loo qabo, taasoo uu xusay inay ugu dambeyn ku dhalisay inay Hir-geliyaan Xaruntan.
“Xaruntan waa mid loogu Talo-galay in lagu Dhiso jirka, bilicda iyo Caafimaadka Dadka. Xarumo Magaca la Wadaaga ayaa horay Magaalada Muqdisho uga jiray, balse Xaruntan cusub aad bay uga Casrisan tahay kuwaas marka dhinacyo badan laga eego oo ay ka mid yihiin Qalabka,” ayuu yiri Dr. C/waaxid.
Sidoo kale, Maamulaha Xaruntaan ayaa intaas Raaciyay in Xaruntan Jir-dhiska ay Qaban-doonto Howlo ay ka mid yihiin;
01. Jir-dhis loo sameyo dadka jirkooda uu Qaloocdo ama Buurto.
02. Dhimista Miisaanka iyo Xeyrta Dadka Cayilka la Il-daran.
03. La-dagaallanka Cudurro ay ka mid yihiin Sokorta iyo Dhiig-karka.
04. Physiotherapy ama Jir-dhis dadka Neerfaha Wax ka gaaraan oo ay Asiibaan Cudurrada Dhiig-karka, Shilalka, Xabadaha IWM.
05. Socod-barista carruurta naafada ah oo socodku dhibayo, carruurta dabeyshu Naafeysay iyo Carruurta ay Jirkoodu Waxyeelleeyeen Cudurrada kuwaas oo Heli doona Caafimaad iyo Jirkooda oo dib u shaqeeya.
06. Qurxinta jirka Dumarka iyo Dadka Jirkooda Hilibku boobay Kuwaasoo iyagana heli doona Jirdhis iyo jimicsi u sahla inay noqdaan kuwo jirkooda dhismo.
07. Cayaartooyada kooxaha; Waxaan siin Doonnaa Fursado ay ku Qaataan Jimicsi iyo Jir-dhis marka ay leeyahiin kulammo Adag.
08. Dadka waayeelka ah waxaa iyagana loo sameyn doonaa hab jirdhiseed oo ka saacida inuu helo Caafimaad buuxa oo uu ku socdo. Waxaan Howshan Qaban doona Khabiiro si gaar ah ugu Takhasusay.
09. Xaruntu waxay kaloo kuu haysaa shaqaale qofka u raaci doona xaafada kuna siin doona Hawlaha Jimcisi iyo Jirdhis ee uu u baahdo.
10. Qofka Macaamiilka ah Wuxuu leeyahay Free Medical check-up ama Baaris Caafimaad oo lacag la’aan ah bil walba hal mar.
Ugu dambeyn, Dr. Cabaas oo isagana ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ka hadlay xafladdii furitaanka Xaruntan ayaa xusay Muhimadda uu caafimaadka qofka uu u leeyahay Jimcsiga, isagoo xusay in qofka jimcsiga sameeya mar walba uu ka caafimaad badan yahay qofka aan sameyn. Wuxuuna kaloo furitaanka ka sheegay in Jimicsiga lagula Dagaallamo Cudurro badan oo halis ah, kuwaasoo Qaar lagu daweeyo, Qaar kalena uu hoos u dhigayo Khatartooda.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply