Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Jabuuti oo la Wareegay Ammaanka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

– September 15, 2015 Ceegaag) — Ciidammada Jabuuti ee ka Tirsan AMISOM, ayaa buuxda ula wareegay sugida Ammniga Degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan oo ay Maalintii shalay booqasho ku tageen taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti Jen Zakariye Sh Ibraahim iyo Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax.
Ciidammada Jabuuti ku hubeysan gadiidka gaashaaman oo ka anbabaxay degmada Buula-burte ayaa maalintii shalay gaaray degmada Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinkii sanadkii hore lagala wareegay Al-shabaab.
Jen. Zakariye ayaa kula Dardaarmay Ciidamada inay ilaaliyaan amniga Shacabka ah, kana Foojignaadaan wax kasta oo dhibaato ku noqon kara shacabka degmada ku nool, wuxuuna dhanka kala ku amaanay kaalintii wanaagsaneyn oo ay ka qaateen siddii Al-shabaab looga saari lahaa inta badan deegaannada muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in ciidammada Jabuuti door weyn ku leeyihiin howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray n dhawaan leysku furi doono guud ahaanba gobolka.
Waxgaradka iyo dadka degmada Jalalaqsi ayaa dhinacooda soo dhaweeyay ciidammada Jabuuti, iyaga oo sheegay in wadda shaqeyn buuxda la yeellan doonaan

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply