Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo baaq u diray Xukuumadda

September 17 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Baarlamaanka ku hor-keento sharciga Axsaabta Siyaasada.
Mr Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee lagu meel mariyay Golaha Wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.
“Waxaan Xukuumadda ku wargelinayaa in sharciga Axsaabta siyaasada dalka ay muddo sodon maalin ama bil ay ku horkeenaan Baarlamaanka si horay loogu sii socdo”ayuu yiri Jawaari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay wada tashi kala sameyso qeybaha bulshada kala duwan, si sharcigaas muhiimka uu noqdo mid dalka ka hirgela
Xisbiyo siyaasadeed ayaa horay loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho iyo meelo kale, inkastoo aysan wali sharciyadii loo baahnaa ka helin Baarlamaanka, isla markaana qorshuhu yahay in loo gudbo nidaamka xisbiyada badan.
Ceegaag – muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply