Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 22 (Ceegaag)— Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay maqribkii ka dhacay banaanka hore ee Madaxtooyada, gaar ahaan koontaroolka ugu horeeya, iyadoo qaraxaas uu ahaa mid ismiidaamin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Illaa 11 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxa, kuwaasoo isugu jira dad shacab, ciidamo iyo ajaaniib, inkastoo aanay wali kala cadeyn dalalka ay u dhasheen.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxa labaatameeyo kale, waxaana dadka dhaawacmay ku jira Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Yaasiin Nuur Ciise.
Qaraxan ayaa dhacay wax yar kadib markii la soo gaba gabeeyay shirkii wada tashiga ahaa ee looga hadlayay geedi socodka doorashada sanadka 2016.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu dhacay xilli uu Madaxtooyada ka soo baxayay Nicholas Kay, waxaana la sheegay in mid ka mid ah baabuurtii ilaalineysay oo ciidamo Soomaali ay saarnaayeen ay waxyeelo gaartay.
Tirada ajaaniibta ku dhimatay qaraxa ayaa gaareysa illaa saddex ruux, waxaana wararka qaar sheegayaan inay ku jiraan muwaadiniin Turkish ah.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ku dishay qaraxaas illaa lix ajnabi ah, inkastoo aanay dalalkooda sheegin, waxaana ay ku goodisay inay sii wadeyso weerarada.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina