Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 23 (Ceegaag)— Xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka Rwanda ayaa ka soo hor-jeeda qorshaha Madaxweyne Paul Kagame ku doonayo in mar saddexaad uu isa soo sharaxo madaxtinimada, iyadoo laga cabsi qabo qalalaaso la mid ah kii Burundi inuu dalkaas ka dhaco.
Maxkamadda sare ee Rwanda ayaa maanta dhageysan doonta dacwad ka timid Xisbiga Mucaaradka dalkaas oo ay kaga soo horjeedaan tallaabada Madaxweyne Paul Kagame loogu ogolaanayo inuu u tartamo mar saddexaad madaxtinimada.
Dastuurka Rwanda ayaa dhigaya in labo mar kaliya uu Madaxweyne isa soo sharaxi karo, isla markaana mar saddexaad aanu u tartami karin tartanka Madaxtinimada.
Kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in dastuurka qodobkiisu yahay 101 uu xadidayo in Madaxweyne Kagame uu mar saddexaad uu u tartamo xilka.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa ku tilmaamaya tallaabadan mid muujineysa xukun jaceylka Madaxda Afrikaanka, iyo inay mar walba isku dhejiyaan kursiga, marka uu xilka ka sii dhamaanayo.
Dalka deriska la ah ee Burundi ayaa waxaa ka jira qalalaase iyo xasilooni dari siyaasadeed oo ka dhashay markii Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu sheegay in mar saddexaad uu tartamayo, taasoo markii dambe loo doortay, waxaana Maxkamadda sare ee dalkaas ay wax ka bedel ku sameysay qodobo ka mid ah dastuurka.
Paul Kagame ayaa xilka Madaxweynenimada qabtay sanadkii 2000, kadib markii uu is casilay Madaxweynihii Rwanda Pasteur Bizimungu, sidoo kale Kagame ayaa ahaa Hogaamiyaha mid ka mid ah jabhadihii ka dagaalamayay Rwanda, waxaa uu soo noqday Madaxweyne kuxigeen iyo Wasiirka Difaaca sanadihii 1994 ilaa 2000.
Kagame ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Tutsi ee degta koofurta Rwanda, waxaana lagu tilmaamay Madaxweynihii heerka ay hada joogto Rwanda gaarsiiyay, isla markaana horumariyay, kadib dagaaladii sokeeye iyo xasuuqii dalkaas ka dhacay sanadkii 1993 ee dagaalkii u dhaxeeyay qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina