Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 25 (Ceegaag)— Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay eedeymaha loogu soo jeediyay ee mas’uuliyada musiibadii ka dhacday Xajka, kadib markii in ka badan todobo boqol oo ruux ku dhinteen isbuurasho dhacday maalintii Ciida.
War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shilkan uu ku dhacay Xujeyda oo aan tilmaamihii la siiyay raacin, markii dad ka soo noqonayay sheydaan tuurka iyo kuwo usoo socday ay hal wado wada isticmaaleen, taasna ay sabab u aheyd isbuurashada.
Dowladda Iiraan oo ah tirada ugu badan dadkii ku dhintay isbuurashada ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay qaadato mas’uuliyadda shilkaas.
Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin isbuurashada, wuxuuna xusay in tani ay ku dhacday maamul xumada Sacuudiga.
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha xajka, waxaana uu ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan.
Mid ka mid ah shirkadaha safarka Xajka oo fadhigeedu yahay Britain, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Sacuudigu xireen labo waddo ay dadku isticmaalayeen.
Ilaa 717 ruux ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen isbuurashada ka dhacday Xajka, halka 863 kalena ku dhaawacmeen, dalalka illaa iyo hada la shaaciyay inay muwaadiniintooda ku dhinteen waxaa ka mid ah, Pakistan, Masar, Niger, Chad, India, Indonesia iyo Turkiga, waxaana wali socota tira-koobka guud oo lagu ogaanayo dalalka ay u dhasheen muwaadiniinta kale ee aan la aqoonsan.
Tirada dhimashada ayaa marba marka kadanbeysa sii kordheysa .
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina