Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
(MAQAAL) Dhismaha gudiga dib u eegista Dastuurka Soomaaliya waxay ahayd talaabo wanaagsaan oo loo qaaday dhinaca Dawladnimada, Waa dhab in baahi weyn loo qabay dhalashadii gudigaasi, soo shaac bixintoodii kadib si baahsan ayaa meel walba looga soo dhaweeyay, laga soo bilaabo maalintii lagu dhawaaqay illaa iyo iminka bulshadu tixgalin qaas ah ayay u haysaa hawlaha Qaran ee gudigu u xil saaran yahay.
Cel-celis ahaan Soomaaliya waxaa ka jira afar (4) guddi oo gaarsiisan heer Qaran, gudiyadaasina waxaa la tilmaamaa inuu ugu mug weyn yahay gudiga loogu wan qalay Gudiga Dib u Eegista Dastuurka Qaranka, haddii is bar-bar dhig lagu sameeyo waxaa dhab ah inuu ka muhiimad balaaran yahay maxaa yeelay waa midka ay ku xeran tahay jiheynta mustaqbalka Soomaaliya iyo hanaanka uu noqon doono ama u ekaan doono Qaranka Soomaaliyeed..
Sanad ka hor ayaa ruug cadayaasha gudigaani lagu dhawaaqay, marxalado kala duwan oo hadba la saan qaadayay xaaladii la joogo ayuu gudigu soo maray, illaa iyo xad hawlo la taaban karo ayuu soo qabtay, bilowgii hore aqoonyahanadu waxay ku dhaqaaqeen samaynta sharci hoosaadkii ay ku dhaqmi lahaayeen, talaabadii xigta waxay ahayd ururinta xogo ku saabsan qodobada Dastuurka, intaasi dabadeed Odoyaashu waxay daraasad ku sameeyeen hadba waxii khaladaad ah ee ku jira Dastuurka, iyadoo qodob-qodob loo dul istaagay.
Shaqooyinka la tilmaami karo ee gudigu ku najaxay waxaa kaloo laga xusi karaa balaarinta hawsha dib u eegista Dastuurka ee la gaarsiiyay qaar ka mid ah Gobolada Wadanka, La tashiyo lala sameeyay qeybaha ururuada bulshada Soomaaliyeed iyo adeegyo kale oo gudigu uu ka qabtay sidii shacbiga loo fahamsiin lahaa faa’iidada Dastuurka, haatan shaqooyinkii waa la kordhiyay qorshuhu wuxuu yahay in Maamul goboleedyada lagu baahiyo wada tashiyada socda si loo helo aragtidooda, dabayaaqada sanadkaan waxaa lagu tala jiraa in Baarlamaaanka loo gudbiyo si uu ansixiyo.
Runtii hawshaan oo cid walba aaney ka soo dhalaali Karin ayaa tuurta waxaa u ritay shan (5) ruux oo lagu soo xulay hanaanka loo yaqaano 4.5, halyeeyada gudigaan oo aan kala dhicin ayaa Magac ahaan waxaa ugu Caansan Ing. Cusmaan Jaamac CalI “Kalluun” oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladii Kacaanka iyo xukumadaihii KMG ahaa ee Soomaaliya, Waa muwaadin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland), balse jecel Midnimada Soomaaliya.
Xubinta 2-aad ee Gudiga ugu macruufsan waa Dr. Maxamed Daahir Afrax, waa aqoonyahan qoraa ah, wax walbana ay kala weyn tahay Soomaalinimada, sifo ahaan waa xil-kas la tashi badan isla markaana bisil, qof ahaan gudigu wuxuu ku soo biirey markii ay is casishay Caasha Geelle, soo magaacibistii Mutacalimkaan gudigu waxay uga dhigneyd Waa cusub oo u baryay oo kale, xaqiiqdii nolol cusub ayuu galiyay shaqooyinkii socday, tallooyin iyo tilmaamo dhaxal gal ayuu ku biiriyay halkii ay hawshu maraysay, sida la soo xigtay qaar ka mid ah xubnaha gudigu waxay shegeen in dhax-jooga Dr. Afarx sharaf iyo guul ay u tahay habsami u socodkaa shaqooyinkooda.
Aqoonyahanada kale ee ka tirsan gudiga waxaa ka mid ah Garyaqaanada kala ah Avv.Maxamed C/lla Saalax iyo Avv. Xasan Xuseen Xaaji waa laba (2) Qareen oo khibrad iyo Waaya aragnimo dheer u leh xaga Sharciga, xilligii hore iyo waqtigii bur-burka waxay soo qabteen hawlo kala duwan oo la xirrira dhanka Garsoorka, Bani’aadaninimada, Dastuurka iyo Arimaha horumarinta bulshada, xubinta shanaad (5) ee gudigu waa Prof Xasan Cumar Mahad Alle waa bare iyo cilmo baare ka tirsan Jaamacad ku taala dalka Maraykanka, xog ogaal wuxuu u yahay siyaasadaha caalamka, si dhawna wuxuu ula socday xaalada Soomaaliya.
Xubnahaan oo aad iskugu kalsoon ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen hawsha loo igmaday, rajadooduna waxay tahay sidii ay horseed uga noqon lahaayeen hanaankii ay Soomaaliya uga bixi lahayd Dastuurka qabyada ah isla markaana u heli lahayd Dastuur KAAMIL ah, hubaashii haddii gudigu uu ku guuleysto hawshiisa waxaa hubanti ah inay taariiqda xusi doonto oo baal dahab ah ay ka gali doonaan waayaha ummadda Soomaaliyeed.
Sheekaaloow xasan
Fikir shaqsiyadeed
Figradihiina